UGU DAMBEYNTII MADAXWEYNE KAFTAGAREEN OO SOO GAAREY MAGAALADDA BAYDHABO.

(SAWIRKA)-LAFTAGAREEN.

(BAYDHABO/KGS)-BREAKING NEWS:-Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa maanta ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati Guduud ee magaalada Baydhabo, halkaas oo si diirran loogu soo dhoweeyay. Imaanshiyaha Laftagareen ee magaalada Baydhabo HOL waxaa u xaqiijiyay afhayeenka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Ugaas Xasan. Wararka laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynuhu uu kulamo gaar ah la qaadan doono Madaxda ugu sarreysa maamulka, oo uu ugu horreeyo Ku-simaha Madaxweynaha, Dr. Cali Saciid Faqi, iyo sidoo kale Hay’adaha amniga ee Koonfur Galbeed. Kulamada saacadaha soo socda la yeelan doono Laftagareen mas’uuliyiinta Maamulkiisa ayaa la sheegay inay diiradda saari doonaan xaaladda Amni, Siyaasadeed iyo arrimaha taagan ee gobolka, xilli ay jiraan xiisado isa soo taraya oo la xiriira khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed. Sidoo kale, ilo wareedyo ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Laftagareen la filayo inuu berri la hadlo warbaahinta, isaga oo ka warbixin doona natiijada kulamadaasi iyo mowqifka rasmiga ah ee maamulkiisa. Wararka hordhaca ah ayaa muujinaya in khudbadda madaxweynaha ay noqon karto mid xasaasi ah, isla markaana lagu soo qaadi doono arrimo muhiim ah oo saameyn ku leh jihada siyaasadeed ee Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, Wasiirka Amniga Gudaha ee DG Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.Xasan C/qaadir Maxamed oo shir Jaraa’id ku qabtay magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in hawlgaladda ciidan ee ka kala socdo degmooyinka Buur-Hakaba iyo Qansaxdheer ey yihiin kuwa ey iska kaashadeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda XFS iyo kooxda ALshabaab, Wasiirka ayaa xusay magacyadda Xubnaha Wasiiradda ka tirsan Golaha Wasiiradda XFS waxa uuna ku sheegay iney kala yihiin Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur(Jamac), Wasiir Xasan Elaay iyo Wasiir Fawsiyo. Wasiir Xasan ayaa Wasiiradaan ku eedeeyey iney dhaqaale iyo hub ey soo geliyeen deganadda KGS iyagoo soo dhexmarsiiyey degaanadda ey ku sugan yihiin kooxda ALshabaab, Wasiirku ma keenin wax cadeyn ah kuna saabsan arrintaan uu ka dhawaajiyey.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SARKAAL SARE OO MARAYKAN OO AH XILKA ISAGA CASILAY DAGAALKA IRAAN.

Next
Next

DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO HAKISAY XIRIIRKII DFS.