DG KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA OO HAKISAY XIRIIRKII DFS.
(SAWIRKA)-LAFTAGAREEN.
(KGS)-Wararka ka imaanaayo xarunta ku meel gaarka ah ee Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ee Baydhabo ayaa sheegaayo in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uu maanta oo Talaada ah ku dhawaaqay inuu hakad geliyey dhammaan wada shaqeyntii iyo xiriirkii ey la lahaayeen Dawladda Federaalka Soomaaliya, taaso ah calaamadii ugu dambeysay ee cakirnaanta Nidaamka Federaalka ee nugul ee dalka Soomaaliya. Shir Jaraa’id oo ey qabteen saraakiisha Koonfur Galbeed ayey DFS ku eedeeyeen iney hubeyneyso Maleeshiyaad isla markaane ey isku dayeyso iney xilka ka tuurto Madaxweynaha DG Koonfur Galbeed Soomaaliya Md.C/Casiisa Xasan Maxamed “Laftagareen. Wasiiradda Dicaafa iyo Warfaafinta ee DFS (Fiqi iyo Da’ud) kama eysan jawaabin codsiyadda Wakaaladda Reyters ee ku aadan eedeynta loo soo jeediyey. Muranka ku saabsan isbdeladda Dastuurka, Doorashooyinka iyo dheelitirka awooda ee u dhexeeyo DFS iyo Maamul Goboleedyadda ayaa si isdaba joog ah banaanka u keenay ciladaha Siyaasadeed ee ka jira dalka Soomaaliya. Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay in xiriirka kala dhexeeyo DFS uu sii xumaaday ka dib markii DFS ey ku riixday wax ka bedelka Dastuurka kaaso ey ka soo horjeesteen qaar ka mid ah hogaamiyeyaash Dawlad Goboleedyadda dalka Soomaaliya sida Puntland iyo Jubaland. Shirkada Safarka ayaa maanta oo Talaada ah sheegay in duulimaadyadii Ganacsiga ee dhexeeyey Muqdisho iyo Baydhabo oo caasimadda Maamulka KGS la joojiyey, balse waxaa shaqeynaayo kuwii hawlaha Bani’adanimo ee Qaramada Midoobe kuna socday Baydhabo. Magaaladda Baydhabo, ayaa qiyaastii 245-kiilomitir K/galbeed ka xigta caasimadda Muqdisho, waane magaalo xasaasi u ah siyaasadda iyo ciidamadda waayo waxa ey martigelisaa Baydhabo Ciidamadda DFS, ciidamadda Amniga Gobolka iyo hawlgalada samafalka caalamiga ah ee ku sugan aaga ey sameysay abaarta, colaada iyo barakaca. Xiriirka DFS ey la leedahay dawlad goboleedyadda kale ayaa mid adag,tusaale, Somaliland waxay ku dhawaaqday iney tahay dawlad ka madax banaan Soomaaliya sannadkii 1991-kii, waxayna banaan joog ka haayd xakameynta DFS. Dawlad Goboleedka Puntland xubina ka ah DFS ayaa bishii Maarso-2024-kii sheegtay ineysan mar dambe aqoonsan doonin DFS haddii la ansixiyo wax ka bedelka dastuurka ee muranka dhaliyey, ilaa looga ansixiyo afti qaran loona dhan yahay. *DG Jubaland ayaa hakiyey xiriirkii uu la lahaa DFS bishii Nov-2024-kii, sabata ayaa ah khilaaf ka dhashay Doorasho gaar ah uu qabsaday Madoobe.
ISHA-RT.