(MUUQAALKA)-UGAASKA BEESHA XAWAADLE.
(B/WEYNE/HIIRAAN)-BREAKING NEWS:-Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo shir jaraa’iid ku qabtay hoygiisa magaalada Baladweyne ayaa sheegay in duulaan lagu soo qaaday shacabka reer Hiiraan islamarkana looga baahan yahay inay difaacdaan sharafkooda iyo jiritaankooda. Ugaas Yuusuf ayaa xusay in dadka reer Hiiraan ay ku soo duuleen dad huwan shaati qabiil, isagoo ku booriyay ciidamada ka soo jeeda gobolka Hiiraan inay soo garab istaagan oo ay difaacadan deegaankooda. "Dad huwan magac qabiil ayaa duulaan ku soo qaaday reer Hiiraan,waxaa loo baahan yahay inaad difaacataan sharaftiina, iyo jirintaankiina, ciidamada ka soo jeeda beesha Xawaadle waa inay iskugu yimadan magaalada Baladweyne oo ay isoo garab istaagan anigoo ugaaskoodi ah." ayuu yiri Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan. Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan ayaa sheegay in xiligan aysan jirin dowlad la difaaco sidaas darteedna ciidamada qaranka looga baahan yahay inaan loo adeegsadan dadka reer Hiiraan. "Waad aragteen sida loo gala ciidamadii qaranka, ma jirto dowlad maanta la difaaco, waxaan idinka raba inaad ka joogtiin in la idin adeegsado dagaalka dadka reer Hiiraan, hadii aad duco iga rabtaan isoo garab istaaga oo qof kasta oo reer Hiiraan ah beri subax isagoo isku soo talo galay ha igu yimado gurigeyga." ayuu yiri Ugaas Yuusuf. Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo ka soo baxay deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramaya inay ku soo wajahan yihiin magaalada Baladweyne islamarkana qeyb ka noqon doonaan difaaca maamulka Hirshabeelle, ka dib markii ciidamada macawisleyda ay hareereeyeen guriga uu xaafadda Ceel Jaalle ka degan yahay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cabdifataax Xasan Afrax.
ISHA-HOL.