(MUUQAALKA)-MW-KU-XIGEENKA H/SHABEELE EE LA DOORTAY C/FATAAX.
(B/WEYNE/H/SHABEELE)-BREAKING NEWS:-Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ee ku soo baxay doorashada dhawaan dhacday Mudane Cabdifataax Xasan Afrax ayaa safar deg deg ah oo lama filaan ah ku gaaray magaalada Baladweyne ee ah caasimadda Gobolka Hiiraan,taasoo hal mar ay ku baraarugeen bulshadda. Safarkan ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xassan Afrax ku weheliye xubno ka tirsan xafiiskiisa iyo ciidamo ilaalo u ah oo hubeysan. Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xasan Afrax oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada ayaa sheegay inaysan jirin cid ka celin karta magaalada Baladweyne. "Waxaan rabaa inaan helo Tol aan Qanciyo ama i Qanciya, reer Hiiraan wax kasta oo ay tabanayaan waan u sidaa, inta hubeysan ee joogta Baladweyne waa dad isla dhashay, ma jirto mid mid wax u qaba, danna waa ka dhaxeysa, cid iga celin karta ma jirto waa Baladweyne waa magaaladan ku dhashay halkan."ayuu yiri Cabdifataax Xasan Afrax. Xaaladda magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa caawa kacsan ka dib imaatinka Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle, waxana socda dhaqdhaaqayo ciidan oo iska soo horjeeda. Xildhibaan Cabdirisaaq Maxamed Cabdullahi AL Cadaala oo ka tirsan golaha wakiiladda Hirshabeelle ayaa ka digay weerar uu sheegay inuu qorsheynayo xildhibaan Sanbaloolshe kaasoo ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xasan Afrax. "Waa arin aad looga xumaado in xil. Sanbaloolshe uu abaabulo weerar lagu qaado hogaamiye ku xigeenka Hirshabelle Cabdifitaax Xasan Afraxoo hadda ku sugan Beledweyne, Sambaloolshe maanta ayay talo kula jirtaa ee ka fogoow inaad dhiig sokeeye daadiso" ayuu yiri xildhibaan AL Cadaala. Imaatinka galabta ee madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cabdifataax Xasan Afrax ayaa ku soo beegmeysa xili galinkii hore ee maanta uu soo gaaray magaalada Baladweyne xildhibaan Sanbaloolshe oo safar dhanka dhul ah uga soo gudbay magaalada Feerfeer ee dowladda deegaanka Soomalida. Warar ayaa sheegaayo in Madaxweyne Ku-Xigeenka H/Shabeele Mudane C/fataax Xasan Afrax la filaayo inuu miiska soo saaro doono ka dib marka uu la kulmo Odayaasha Dhaqanka ee Besshiisa,qodobadaasi ayaa lagu sheegay iney ka mid yihiin: (1)-In caasimadda DG H/shabeele uu Baarlamaanku ku dhawaaqi doono todobaadka inagu soo aadan. (2)-In beesha Xawaadle loo kordhin doono tirada Xilhibaanadda ey ku leedahay H/shabeele. (3)-In Dawladda Federaalka Soomaaliya beesha laga siin doono xilal kala duwan. (4)-In saraakiisha ciidamadda beesha wax laga siiyo iyo in la dhammaystiro Garoonka Ugaaska.
XIGASHO-HOL.