TURKIGA OO KA HADLAY SHILKII UU KU DHINTAY TALIYE XADAAD.
(SAWIRKA)-WASIIRKA TURKIGA.
(ISTANBUL/TURKEY)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Ali Yerlikaya ayaa sheegay in diyaaraddii burburtay laga soo saaray sanduuqa madow iyo qalabka codka Arbacada maanta ah, diyaarada ayaa ahayd mid gaar loo leeyahay kuna burburtay meel u dhow caasimadda Ankara shalay oo Talaada ahayd iyadoo ey ku dhinteen taliyihii ciidamada Liibiya iyo dadkii kale ee saarnaa, sida uu sheegay Wasiirka Arrimaha Gudaha Turkiga Ali Yerlikaya. Yerlikaya ayaa u sheegay wariyeyaasha in burburka uu gaarayo qiyaastii 3 kiiloomitir oo laba jibbaaran (qiyaastii 1.16 mayl oo laba jibbaaran) "Natiijo ka dhalatay shaqadii ay goobta ka qabteen kooxo ka socda Xarunta Baarista Badbaadada Gaadiidka ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, qalabka duuba codka diyaaradda ayaa laga helay aagga burburka saacadu markeey ahayd 2.45 subaxnimo (2345GMT Talaadadii), sanduuqa madowna waxaa la helay 3.20 subaxnimo (waqtiga maxalliga ah)," ayuu yiri. Wasiirku wuxuu intaas ku daray in hawsha baaritaanka iyo qiimeynta aaladahan ay bilaabatay. Yerlikaya ayaa xusay in wadarta shaqaalaha ay ahaayeen 408 oo ka shaqeynayay goobta iyagoo wata 103 baabuur oo dhulka ah iyo toddobo gadaadiid oo hawada ah. Ergo ka kooban 22 xubnood oo Liibiyaan ah oo ay ku jiraan shan qaraabo oo ka mid ah dadkii ku dhintay, wakiillada Wasaaradda Difaaca iyo mas'uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa gaaray Ankara, sida uu sheegay Yerlikaya. "Sidoo kale aad ayaan u xiisaynaynaa [sababta shilka], laakiin xogtani waxay shaaca ka qaadi doontaa sababta, mas'uuliyiintuna waxay idinla wadaagi doonaan natiijooyinka," ayuu yiri. Wuxuu sidoo kale tacsi u diray qoysaska dadkii la dilay iyo dowladda iyo dadka Liibiya, isagoo dhacdada ku tilmaamay "shil naxdin leh." Yerlikaya ayaa horey u sheegay in burburka diyaaradda ganacsiga ee nooca Falcon 50-ka ah, oo ka kacday Garoonka Diyaaradaha ee Esenboga ee Ankara iyadoo ku sii jeeda Tripoli, ay kooxaha gendarmerie ka heleen meel qiyaastii 2 kiiloomitir (1.24 mayl) koonfurta ka xigta tuulada Kesikkavak ee degmada Haymana ee gobolka. Dowladda Midnimada Qaranka ee Liibiya ayaa ku dhawaaqday saddex maalmood oo baroordiiq qaran ah ka dib geeridii dadkaas.
XIGASHO-ANADOLU.