MARAYKANKA IYO ITOOBIYA OO KALA SAXIIXDAY HESHIIS GAARAAYO…
(SAWIRKA)-HAYADAHA CAAFIMAADKA.
(ADDIS ABABA/ETHIOPIA)-Dalalka Itoobiya iyo Mareykanka ayaa kala saxiixday qaab-dhismeed iskaashi caafimaad oo dhan $1.6 bilyan si loo taageero nidaamka daryeelka caafimaadka ee dalka Itoobiya marka laga bilaabo 2026 ilaa 2030, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Talaadadii shalay. Heshiisku wuxuu sii wadi doonaa taageerada barnaamijyada kala ah HIV/AIDS, Qaaxada, iyo Duumada, iyo sidoo kale adeegyada caafimaadka Hooyada iyo Dhallaanka iyo u diyaargarowga cudurka faafa. Mareykanka ayaa bixin doona $1.16 bilyan, iyadoo Itoobiya ay bixin doonto inta soo hartay iyada oo adeegsaneysa qorshaheeda maalgelinta caafimaadka gudaha. "Qaab-dhismeedka iskaashiga shanta sano ah wuxuu sii wadi doonaa taageerada barnaamijyada cudurrada mudnaanta leh wuxuuna xoojin doonaa nidaamka caafimaadka Itoobiya, oo ay ku jiraan maalgelinta gudaha iyo sahayda daawada," ayay tiri wasaaraddu. Heshiiskan ayaa imaanaya iyadoo hay'adaha samafalka ay soo sheegayaan in faraq weyn oo dhanka maalgelinta ah uu ka jiro Itoobiya. Hayadda UNICEF waxay sheegtay in malaayiin haween iyo carruur ah ay weli halis ugu jiraan baahiyaha caafimaad, nafaqo, iyo daaweynta cudurrada oo aan la dabooli karin, oo ay ku jiraan in ka badan 2.4 milyan oo kiis oo duumo ah oo la soo sheegay sanadkan. Barnaamijka Cuntada Adduunka(WFP) ayaa ka digay in hawlgalladiisu ay "marayso heer aan la jaanqaadi karin" iyada oo aan la helin maalgelin dheeraad ah. Mas'uuliyiintu waxay sheegeen in qaab-dhismeedka cusub uu higsanayo inuu gacan ka geysto wax ka qabashada caqabadahan iyadoo la xoojinayo awoodda nidaamka daryeelka caafimaadka ee muddada dheer.
XIGASHO-AA.