TURKIGA IYO QADAR OO TAAGEERO U MUUJIYEY DALKA SOOMAALIYA.
(MUUQAALKA)-ERDOGAN IYO THANI.
(NEW YORK/USA)-Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan iyo Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad bin Khalifa AL Thani ayaa fagaaraha hadalka oo ay ku sugan yihiin madaxda kala duwan ee Caalamka kahor sheegay in ay garab taagan yihiin Soomaaliya. Erdogan iyo Tamim oo hal maalin kuwada qornaa khudbadda Shirka 81aad ee Qaramada Midoobay ayaa xusay in ay Soomaaliya ka caawinayaan dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo qalabaynta Ciidamada Qalabka sida. Tani waxa ay albaabka u furtay fursadaha kala duwan ee Soomaaliya maadaama Dowladda Federaalka ay ku guullaysatay xoojinta xiriirka dibadda, dib u dhiska Ciidanka iyo ku kalsoonaanta sugidda Amniga Dalka. Turkiga waxa uu Soomaaliya ka gacansiiyaa tababarrada, qalabaynta Ciidamada, ciidanka uu tababaray ee Kumaandooska Gorgor iyo Booliiska gaarka ah ee Haramcad waa kuwo ka dhex muuqda howlgallada lagu sugayo Amni Dalka. Qatar waxa ay Soomaaliya ka fulisay Mashaariic kala duwan iyada oo Dowladdu ka taageerto Dhaqaalaha iyo dhinacyo kale, Dalkaan Carbeed waa mid sanadihii u dambeeyay aad uga dhex muuqday Siyaasadda Dalka. Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xoogga saartay ka guurista Doorashooyinkii dadbanaa ayaa horay u qabatay Doorashooyin isku sidkan oo Shacabku ku codaynayo inkasta oo ay jiraan xubno mucaaradsan oo dhaliilay hannaanka wax loo wado. Culayska ugu weyn ee Dowladda Federaalka ay xambaarsan tahay waa dhinaca Amniga maadaama howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM aanay haysan taageerro ku filan isla markaana ay suuragal tahay in waqti weliba lasoo gabagabayn karo. Si looga maarmo ku tiirsanaanta Ciidanka Afrikaanka ah waxa ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaadday tallaabooyin ay awooddeeda ku muujinayso iyada oo Madaxda iyo Madaxtooyada ka reebtay Ciidanka AUSSOM. Sidoo kale Ciidanka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin muhiim ah sida ay inay howlgallaan iyaga oo aanay la socon askarta Midowga Afrika, waxa ay ku guullaysteen in ay qabsadaan deegaanno dhowr ah waana tan indhaha dalal badan oo taageera usoo jeedisay.
ISHA-MM.