DG PUNTLAND OO CADEYSAY MAWQIFKEEDA SIYAASADDA EE SOOMAALIYA.
(MUUQAALKA)-MUCAARADKA.
(GARAWE/PUNTLAND)-Madaxda Puntland iyo qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka Soomaaliya ayaa caawa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashada, xilli ay weli socdaan dadaallada lagu doonayo in dhinacyada siyaasadda Soomaaliya lagu gaarsiiyo heshiis ku saabsan doorashada iyo mustaqbalka dowladnimada. Kulanka oo ka dhacay madasha PDRC Talks ayaa waxaa lagu soo qaaday suuragalnimada in haddii aan la gaarin heshiis siyaasadeed oo ku saabsan doorashada dalka, ay soo baxdo waxa ay dhinacyadu ku tilmaameen hannaan siyaasadeed oo barbar socda, kaas oo horseedi kara in la dhiso dowlad kale oo Soomaaliyeed. Ergeyga Puntland ee wada-hadallada doorashada Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Dhabancad, ayaa sheegay in haddii aan xal laga gaarin khilaafka doorashada, ay suuragal tahay in dhinacyada qaar ay qaadaan tallaabooyin siyaasadeed oo ka baxsan hannaanka hadda ka jira Muqdisho.
DHABANCAD AYAA HADALKIISA U DHIGAY:
“Waxa la samaynayaa dowlad kale oo Soomaaliyeed, wax kasta oo Xamar keligeed haysato gobol kasta wuu sheeganayaa, wax dowlad-dhexe ahna ma jiri doonaan, haddii aan Xasan doorashada dhulka dhigin.” Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli taagan yihiin khilaafaadyo siyaasadeed oo u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyada iyo siyaasiyiinta mucaaradka, gaar ahaan arrimaha la xiriira hannaanka doorashada, waqtiga doorashada iyo qaabka loo wajahayo kala-guurka siyaasadeed. Puntland iyo siyaasiyiin mucaarad ah ayaa muddooyinkii dambe ku adkeysanayay in doorashada lagu gaaro heshiis ay wada oggol yihiin dhinacyada siyaasadda, halka Dowladda Federaalka ay sheegtay inay muhiim tahay in dalka loo diyaariyo doorasho ku dhisan hannaanka siyaasadeed ee dowladda ay waddo. Hadalka kasoo baxay Dhabancad ayaa sidoo kale xambaarsan digniin ku saabsan saameynta uu yeelan karo khilaaf doorasho oo aan xal loo helin, iyadoo uu sheegay in haddii aysan jirin dowlad dhexe oo dhinacyada oo dhan ay aqoonsan yihiin, ay gobolladu yeelan karaan sheegashooyin iyo maamullo siyaasadeed oo is barbar socda. Arrintan ayaa kusoo aadeysa xilli ay socdaan dadaallo iyo wada-hadallo lagu raadinayo xal siyaasadeed oo loo dhan yahay, waxaana weli muhiimad gaar ah leh in dhinacyada Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada iyo mucaaradka ay isku fahmaan hannaanka doorashada, jadwalkeeda iyo qaabka loo maareynayo xilliga kala-guurka. Haddii aan heshiis laga gaarin arrimahaasi, hadallada kasoo baxaya qaar kamid ah dhinacyada mucaaradka iyo Puntland waxay muujinayaan in khilaafka doorashada uu yeelan karo saameyn ka baxsan doorashada lafteeda, oo taaban karta qaabka ay dhinacyadu u wada shaqeynayaan iyo jiritaanka hay’adaha dowladda dhexe.
ISHA-RISAALA.