TRUMP OO SOOMAALILAND KU SHEEGAY KUWA DHACA HANTIDA CANSHUUR BIXIYEYAASHA MARAYKANKA.

(MUUQAALKA)-TRUMP.

(COLUMBAS/OHIO)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa khudbad uu ka jeediyay Gobolka Ohio waxa uu kusoo hadal qaaday Soomaalida ku nool Minnesota gaar ahaan kuwa ku eedeysan in ay lunsadeen hanti loo dhiibay isaga oo eray uu u adeegsaday dhaliyay hadal hayn iyo falcelin. Donald Trump ayaa dadkii uu la hadlayay hordhigay su’aal ah in ay jecel yihiin dhaxal ay uga tagaan ubadkooda iyo in kale, ilbiriqsiyo uu aamusnaa kaddib ayuu lasoo booday eedeyn uu la dul istaagay Xisbiga Dimuqraadiga isaga oo sheegay in dib usoo noqoshadoodu ay ka dhigan tahay in ay dib usoo laabtaan dad uu  ku sifeeyay inay yihiin tuugo. Intaas kaddib waxa uu af qabsaday hadalka doodda iyo falcelinta dhaliyay oo ahaa Somalia Land isaga oo isla khudbaddiisa ku sheegay in uu dadkaas u garanayo kuwa Minnesota wax ku dhacay ee wata Gawaarida qaaliga ah balse aanay u jeedin Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay. Trump ayaa intaas kusii daray in Dadka qaar ay jecel yihiin Somaliland balse arrintiisu aanay xiriir la lahayn, waxa uu gobolka Ohio kula taliyay in aysan soo dhexgelin Dadka uu ku sheegay in ay yihiin Burcad hantidooda boobaysa kuna soconaysa Gawaarida BMW iyo Mercedes-Benz. “Dimuqraadiyiintu waxa ay rabaan in ay dib usoo celiyaan Kuwa xun ee Hantidiina boobaya, kuwaas oo ku socda Mercedes-Benz & BMW, dadkaas waxa aan aniga u aqaan Somalia land, ee ma aha Soomaaliya, dadka qaar waxay jecel yihiin Somaliland, arrintani wax xiriir ah lama laha.” Sidaasi waxaa yiri Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump. Maraykanka ayaa horay u sheegay in uu ixtiraamayo Madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxaana xigay in mas’uuliyiinta Aqalka Cad ay ka fogaadaan la kulanka Cabdiraxmaan Cirro oo Bishii tagtay ee September tagay Dalkaas.

ISHA-MM.

Previous
Previous

SACUDIGA IYO IMAARAATKA OO KU LOOLAMAAYA GEESKA AFRIKA.

Next
Next

SOOMAALIYA XUBINIMAD EAC MA U BEDLI KARTAA MID DHAQAALE?