SOOMAALIYA XUBINIMAD EAC MA U BEDLI KARTAA MID DHAQAALE?
(MUUQAALKA)-WASIIR BALCAD.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Soomaaliya ayaa raadineysa sidii ay xubinnimada Bulshada Bariga Afrika (EAC) ugu beddeli lahayd fursado ganacsi, maalgashi iyo isu-socod oo ay ka faa’iidaystaan shacabka iyo ganacsatada dalka, sida uu sheegay Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda, Cali Cumar Balcad. Balcad oo ka hadlayay Shirka Saddexaad ee Bulshada Bariga Afrika (EACON 2026) ee Muqdisho ka furmay, ayaa sheegay in madashu ay qayb ka tahay dadaallada lagu wacyigelinayo bulshada Soomaaliyeed ee ku saabsan fursadaha dhaqaale ee ka jira suuqa gobolka. Wuxuu sheegay in shirku isu keenayo ganacsatada, siyaasiyiinta, diblomaasiyiinta, safaaradaha, jaamacadaha iyo shirkadaha waaweyn si ay uga wada hadlaan sidii Soomaaliya iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah ururku ay uga faa’iidaysan lahaayeen suuqa ay wadaagaan. Wasiiru-dowluhu wuxuu xusay in shirarkii hore laga soo saaray talooyin u baahan in ay fuliyaan ganacsatada, hay’adaha dowladda iyo dhinacyada kale ee ay khuseyso, isagoo rajo ka muujiyay in kulanka sannadkan laga soo saaro qorshayaal sii xoojinaya ka faa’iidaysiga xubinnimada Soomaaliya. Soomaaliya, oo ah dalka ugu dambeeyay ee ku biira ururka, ayaa hadda dadaal ugu jirta sidii ay u kordhin lahayd matalaaddeeda iyo ka qaybgalkeeda hay’adaha kala duwan ee Bulshada Bariga Afrika, sida uu sheegay Balcad. Wuxuu tilmaamay in Soomaalida oo horeba ganacsi iyo maalgashi ugu lahayd dalal ka tirsan gobolka ay door ka qaadan karto dardargelinta xiriirka dhaqaale, isagoo xusay in dowladda Soomaaliya ay xiriir joogto ah la leedahay wasaaradaha dhiggeeda ah ee dalalka xubnaha ka ah ururka. Dhanka kale, Balcad wuxuu sheegay in casriyeynta baasaboorka Soomaaliya ay ka mid tahay arrimaha weli u baahan in la dhammaystiro si loo fududeeyo isu-socodka muwaadiniinta ee dalalka xubnaha ka ah EAC. Wuxuu rajo ka muujiyay in arrintan horumar laga gaari doono sannadka soo socda, taas oo uu sheegay inay Soomaalida u sahli karto inay si fudud ugu safraan dalalka ururka, marka la buuxiyo shuruudaha looga baahan yahay. Inkasta oo xubinnimada EAC ay Soomaaliya u abuureyso fursado cusub oo dhaqaale iyo ganacsi, haddana hadalka wasiiru-dowlaha ayaa muujinaya in muhiimadda xigta ay tahay sidii fursadahaas loogu beddeli lahaa faa’iidooyin la taaban karo oo ay helaan ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed.
ISHA-HOL.