TOOGASHO XALAY KA DHACDAY MINNEAPOLIS QOFNA LAGU DHAAWACAY.
(SAWIRKA)-BOOLISKA MINNEAPOLIS.
(MINNEAPOLIS/MNN)-BREAKIN NEWS: Sida ay sheegeen booliisku, nin dhowr jeer lagu toogtay/xabadeeyey meel ka baxsan goob Ganacsi oo ku taal Minneapolis ayaa wajahaya dhaawacyo halis gelinaya noloshiisa. Saraakiishu waxay ka jawaabeen aagga u dhow 1700 Lake Street East wax yar ka hor saqdii dhexe ee Arbacadii xalay ahayd halkaas oo ay ka heleen dhibbanaha. Booliska ayaa sheegay in eedaysanaha uu goobta ka baxsaday ka dib markii la toogtay, mana jirin cid loo soo xiray. Dhibanaha ayaa loo qaaday Hennepin Healthcare ilaa subaxnimadii Khamiista, baarayaashu waxay sheegeen inuu qabo dhaawacyo rasaaseed oo halis gelin kara noloshiisa. Ma jiro wax war ah oo ku saabsan waxa keenay toogashada, laakiin booliiska Minneapolis ayaa baaraya. xilligaan kuleylaha ma aha waqti aad ugu wanaagsan dadka ku nool Gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka waayo waxaa ka dhaca toogashooyin ey geystaan dad Gaangistara ah lana aqoonsan heybtooda.
ISHA-MNN.