AQALKA WAKIILADDA PUNTLAND OO ANSIXIYEY WAX KA BEDELKA DASTUURKA.
(SAWIRKA)-GUDOONKA GOLAHA WAKIILADDA PUNTLAND
(GARAWE/PL)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon Abdirisak Ahmed Said, oo Ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad Ee Golaha Hon Mohamed Baarri Shire iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad Ee Golaha Hon Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 ee 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada Puntland. Ajanadaha kulanka maanta ayaa ahaa Soo jeedinta wax- ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland oo ay Golaha u soo gudbiyeen Guddiga gaarka ah ee Falanqeynta wax-ka-bedelka Dastuurka Dawladda Puntland. Ugu horreyn, Guddiga Gaarka ah ayaa Golaha la wadaagay warbixintooda iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, taas oo ku salaysan arrimaha doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta, si loo waafajiyo hannaanka dimuqraadiyadeed iyo horumarinta nidaamka dowladnimo ee Puntland. Dood iyo falanqeyn dheer ka dib oo ay ka yeesheen mudanayaasha Golaha, waxaa Oggol ugu codeeyay 41 mudane, Diidmo majirin, waxaa ka aamusay 4 Mudane , waxaana sidaas ansax ku noqday soo jeedinta Xukuumadda ee ku aaddan wax-ka-bedelka si waafaqan 139 ee Dastuurka Puntland. Dhinaca kale, waxaa horay uga dhacday DG Puntland isku day ah wax ka bedelka Dastuurka Puntland waqtigii uu Gudoomiyaha Baarlamaanka ahaa Md.Dhoobo Dareed oo hadda ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Yemen, diidmadii Gudoomiyaha iyo gacan ka hadalkii ey dad badani ku dhinteen ayaa haddana soo muuqata waayo shalay Deni waxaa la olog ahaa AARAN JAAN balse maanta isaga ayey ka soo horjeedaa oo waxa ey u diideen inu nasto caasimadda Garawe. Hadaba waxa aan rabaa qoraal ku soo baxay barta facebook balse ii keedsanaay ayaan rabaa inaan idiin soo gudbo, taariikhda qoraala waa 7/11/2019-kii, waxa uuna u qornaay sidatan: “MAXAA XIGI DOONO RIDIDA DHOOBO DAREED?”.
Kooxda Aaran jaan ee hormuudka u yihiin maxamuud shido iyo Xasan shire abgaal waxay aaminsan yihiin inay guuleysteen oo wax walba ku xaliyeen lacag. Ridida dhoobo dareed looma marin sifadii sharciga aheyd ee waxaa lagu riday sharci darro iyo afduub lagu sameyey golihii sharci dejinta. Waxaa la weeraray habeen madoow hoolka baarlamaanka oo lagu laayey ilaaladii waardiyaha ka aheyd, dabadeed saaka waxaa lagu xareeyey xarunta baarlamaanka Puntland xildhibaano lagu indha sarcaadiyey lacagtii canshuurta shacabka looga qaaday in loogu adeego. Haddaba, maxaa lagu soo eedeeyey oo dembi ah ridida dhoobo dareed, ujeedada kaliya ee loo riday waa madaxweynaha ayaa yiri ilma shaqeyn karo dhoobo dareed. Oo ma guri deni iyo aaran jaan leeyihiin buu dhoobo dareed ka shaqeynayey mise dowlad awood qeybsi siyaasadeed lagu wada dhistuu madax ka ahaa dhoobo dareed. Haddaba, ridida dhoobo dareed waxay abuuraysa qalalaase siyaasadeed oo dhiig badan ku daato beelaha reer sanaag garoowe waa kasoo guurayaan gobolka ay deegaan sanaag iyo qeyb ka ah bari way u tashanayaan. Wiilashii ku soo weeraray hoolka garoowe ee askarta aaran jaan xalay lacagta u qeybisay sarakiishooda ha ugu yimadeen ceel daar ilaa Bosaaso iyo sanaag? Markaas ayey ogaanayaan wixii garoowe ka dhacay qaraarkooda oo ay dhedheminayaan.maalmo aan dheerey. Sida muuqata Garoowe caasimad dambe u noqon mayso gobolada bari iyo sanaag, taas meel ha lagu qorto oo reer Puntland ha ogadeen. Puntland waa 21 sanno jirsatay waxayna u jiheysatay dhabihii burburka oo waxay maraysa 91-kii halkii ay muqdisho maraysay. Qoraalkan Uma soo qaadan wax kale ee waa iga xusuus salka ku heyso wixi maanta ka dhacay Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyey wax ka bedelka Dastuurka Puntland.
XIGASHO-WAKAALADOO.