TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADDA INDIANAPOLIS OO SABABTAY….

(SAWIRKA)-TOOGASHO KA DHACDAY MAGAALADDA INDIANAPOLIS.

(INDIANA)-Labo wiil oo dhalinyaro ah ayaa lagu dilay toogasho wadareed oo subaxnimadii Sabtida ka dhacday magaaladda Indianapolis ee Gobolka Indiana ee dalka Maraykanka, sida ay booliisku sheegeen. Saraakiishu waxay ka jawaabeen wicitaano rabshado ah abaaro 1:27-Subaxnimo meel u dhow Washington iyo Meridian Street markii ay maqleen rasaas la ridayey, sida ey sheegtay Waaxda Booliska Magaalada Indianapolis. Wiil 16 jir ah oo aan la aqoonsan ayaa la sheegay inuu ku dhintay goobta, shan kale oo dhibanayaal ah ayaa loo qaaday isbitaalka, sida ay booliisku sheegeen. Shaashadan laga soo qaaday muuqaal, saraakiisha fulinta sharciga ayaa lagu soo bandhigay goobta toogashada ee Indianapolis, Luulyo 5, 2025. Mid ka mid ah dhibanayaashaas oo ahaa wiil 15 jir ah ayaa la sheegay inuu ku dhintay isbitaalka, sida ay sheegeen baarayaashu. Dhibane kale ayaa lugihiis ku tegay isbitaalka, sida ay booliisku sheegeen. Baarayaashu waxay kaliya ku tilmaami karaan dhibbanayaasha badbaaday inay yihiin 16 jir, 17 jir, laba 19 jira ah iyo hal 21 jir ah. Ma jirto wax tuhmane ah oo la aqoonsaday amaba loo soo qabtay, booliiskuna ma jiraan wax war ah oo ku saabsan sababta galabnimadii Sabtida ey u dhacday toogashada,Baaritaanka ayaana weli socda. Taliyaha Booliska Indianapolis Chris Bailey ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay rabshadaha. Shaashadan laga soo qaaday muuqaal, saraakiisha fulinta sharciga ayaa lagu soo bandhigay goobta toogashada ee Indianapolis, Luulyo 5, 2025. "Naf aad u badan ayaa ku lumaya," ayuu yiri mar uu shir jaraa'id qabtay. Duqa magaalada Indianapolis Joe Hogsett ayaa sidoo kale cambaareeyay toogashada wuxuuna muujiyay sida uu uga xun yahay waalidiinta dhalay dhibanayaasha. “Waxaas oo dhami waa kuwo laga fogaan karo oo laga hortagi karay,” ayuu ku yiri ku shir jaraa’id.

ISHA-ABC NEWS.

Next
Next

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY MASAR.