TOOGASHO KA DHACDAY KANIISAD KU TAALO DALKA URDUN.
(MUUQAALKA)-AMBALAAS.
(AMMAN/JORDAN)-Rag hubaysan oo aan la aqoonsan ayaa rasaas ku furay kaniisad ku taal gobolka Karak ee Boqortooyadda Urdun, taasoo keentay dhimasho iyo dhaawac aan la cayimin, sida uu sheegay telefishanka dawladdu Jimcaha maanta ah. Warar hore ayaa sheegay in ugu yaraan toddobo qof ay dhinteen toban kalena ay dhaawacmeen. Mas'uuliyiintu waxay ku raad joogeen “dadka laga shakisan yahay,” ayuu yiri telefishinku, isagoo soo xiganaya Agaasinka Amniga Dadweynaha. Weerarka ayaa dhacay intii lagu jiray aas, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee dawladda.
ISHA-AN.