DFS OO CIIDAN HEYSAY MAGAALADDA XUDUR IYO FARMAAJO OO MUQDISHO YIMID.
(MUUQAALKA)-CIIDANKA DFS EE JOOGO XUDUR.
(MOGADISHU/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inay guluf dagaal iyo abaabul ciidan ka bilowday gobolka Bakool, iyadoo ciidamo badan lagu diyaariyey magaalada Xudur, kuwaas oo la sheegay inay diyaar u yihiin hawlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab iyo maleeshiyaad la safan hoggaamiyihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, kuwaas oo gacanta ku haya deegaanno ka tirsan gobolka. Abaabulkan ciidan ayaa waxaa hoggaaminaya saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana dhaq-dhaqaaqyada ugu waaweyn wada Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, oo saldhiggoodu yahay magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamo dheeraad ah la diyaariyey, iyadoo la dardargelinayo abaabulka iyo isu-dubbaridka ciidamada ka qayb qaadanaya hawlgallada la qorsheynayo. Dhaqdhaqaaqan ayaa ku soo beegmaya xilli ay jiraan xiisado amni iyo isbeddello siyaasadeed oo saameyn ku yeeshay deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed. Dhinaca kale, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Jimco ah dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in beesha caalamku ay qorsheynayso wada-hadallo siyaasadeed oo lagu doonayo in lagu xalliyo khilaafka ka taagan hannaanka doorashooyinka dalka. Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in wada-hadallada la qorsheynayo in la qabto 4-ta Nofeembar ay dhex mari doonaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, oo ay ku jiraan madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya iyo madaxda maamullada Puntland iyo Jubbaland. Kulamadan ayaa la filayaa inay diiradda saaraan khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed, gaar ahaan muranka ku saabsan dastuurka, hannaanka doorashooyinka 2027 iyo sidii heshiis siyaasadeed looga gaari lahaa qaabka dalka doorashooyinka uga dhacayaan. Soo laabashada Farmaajo ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaysa xilli ay mucaaradku cadaadis ku saarayaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu wada-hadal dhab ah la yeesho dhinacyada ka aragti duwan qorshaha doorashooyinka dowladda. Mucaaradka ayaa hore u muujiyey walaac ku saabsan suuragalnimada in dalka loo jiheeyo doorasho aan heshiis guud laga gaarin.
ISHA-RISAALA.