TOOGASHO CAAWA KA DHACDAY MAGAALADDA DURHAM.

(MUUQAALKA )-GAARIGA LA TOOGTAY CAAWA.

(APEX/NC)-Booliska degmada Apex ee Gobolka Waqooyiga Karolayna ee dalka Maraykanka ayaa ka jawaabay wicitaan ku saabsan meyd ka dhacay goob dhisme ah galabnimadii Isniinta. Mas'uuliyiinta ayaa helay wicitaan ku saabsan dhacdada ka dhacday Humie Olive Road abbaare 5-tii galabnimo. Sarkaal ka tirsan degmada Apex ee Gobolka Waqooyiga Karolayna ee dalka Maraykanka ayaa u sheegay warbaahinta ABC11 in ay u muuqatay dhimasho shil ah, laakiin baaritaanku wuu socdaa, Qofka geeriyooday ayaan weli la garan. Dhinaca kale,- Booliska degmada Durham ee G/Waqooyiga Karolayna ee dalka Maraykanka ayaa baaraya ka dib markii nin lagu toogtay baar isboorti oo ku yaal degmada Durham caawa oo Isniin ah. Saraakiishu waxay ka jawaabeen abbaare 8:05 fiidnimo rasaas ka dhacday goobta baabuurta la dhigto ee Bralie's Sports Bar & Grill oo ku taal 4707 Hillsborough Road. Waxay heleen nin la toogtay isagoo gaarigiisa ku jira. Ninkan ayaa la toogtay isagoo ku fadhiya gaarigiisa. Ilo wareedyo ayaa u sheegay warbaahinta ABC11 in ninka laga toogtay laabta, waxaana loola cararay isbitaalka isaga oo qaba dhaawacyo halis gelinaya noloshiisa,kiiska ayaa weli waxaa ku socdo baaritaan culus,mana jiirto wax faahfaahin ah oo ku saabsan dhacdadaan. LA SOCO.

ISHA-ABC11.

Previous
Previous

SHIINAHA OO CIIDAMO IYO MARAAKIIB DAGAAL U SOO DIRAAYO XEEBAHA SOOMAALIYA.

Next
Next

GARSOORE CARTAN OO SI DIIRAN LOOGU SOO DHAWEEYEY AUSTRIA.