SHIINAHA OO CIIDAMO IYO MARAAKIIB DAGAAL U SOO DIRAAYO XEEBAHA SOOMAALIYA.

mUUQAALKA)-CIIDAMADA BADDA EE SHIINAHA.

(BEIJING/CHINA)-Shiinaha ayaa bartamaha bisha Agoosto u diri doona maraakiib dagaal oo cusub Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, si ay uga qayb qaataan howlaha ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee mara biyaha caalamiga ah, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qaranka ee Shiinaha. Howlgalkan ayaa noqonaya markii 49-aad ee Shiinuhu ciidan badeed oo ilaaliya maraakiibta u diro gobolka, iyadoo kooxda cusub ay beddeli doonto cutubkii 48-aad ee howlgalkan, kaas oo Soomaaliya iyo Gacanka Cadmeed ku sugnaa tan iyo markii uu baxay bishii Oktoobar ee sanadkii hore. Sida wasaaraddu sheegtay, kooxda cusub waxay ka kooban tahay markabka dagaalka ee gantaallada riddada dheer Kunming, markabka dagaalka Yueyang iyo markabka sahayda iyo taageerada Luomahu. Wasaaradda Difaaca Shiinaha ayaa sheegtay in ciidamada badda dalkaasi ay doonayaan inay gacan ka geystaan amniga marin-biyoodka caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka, iyadoo xoogga saaraysa iskaashi dhinaca amniga badda ah. Shiinaha ayaa tan iyo 2008 si joogto ah maraakiib dagaal uga howlgeliya Gacanka Cadmeed iyo biyaha Soomaaliya, iyadoo howlgalladaasi lagu saleeyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Beijing waxay sheegtay in maraakiibteedu ay ilaa hadda galbiyeen in ka badan 7,000 oo markab oo Shiine iyo shisheeye ah, isla markaana ay samatabbixiyeen ama gargaar siiyeen maraakiib ku jiray xaalado halis ah. Maraakiibta Shiinaha ayaa sidoo kale ka qayb qaatay daadgureynta muwaadiniin Shiine ah iyo dad ajaanib ah oo laga soo saaray dalal ay ka jireen dagaallo iyo colaado hubeysan.

ISHA-HOL.


Previous
Previous

GARSOORE CARTAN OO NOQDAY GARSOORIHII UGU HOREEYEY OO SOOMAALI AH OO…

Next
Next

TOOGASHO CAAWA KA DHACDAY MAGAALADDA DURHAM.