TEKNOOLOJIYA CASRI AH OO SOO GAARTAY BOOLISKA SOOMAALIYEED.
(SAWIRKA)-AFHAYEENKA BOOLISKA SOMLIYA.
(MUQDISHO)-Booliska Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay dhawaan hirgeliyaan nidaam cusub oo casri ah, kaas oo fududeynaya Isgaarsiinta deg degga ah ee u dhexeysa Saldhigyada Booliska, Waaxda Dambi-baarista (CID), Garsoorka iyo Xeer-ilaalinta. Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in nidaamkan uu diiradda saarayo dedejinta iyo mideynta wadaagga xogta dambiyada, si loo helo hannaan hufan oo wax looga qabto falalka amni-darro. Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Gaashaanle Dhexe Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay tababar siisay dhalinyaro ka shaqeyn doonta nidaamkan, si loo hagaajiyo habka loo maareeyo xogta dambiyada iyo baaritaannada la xiriira. Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa xusay in dowlad saaxiib ah (oo aan la magacaabin) ay gacan ka geysaneyso mashruucan, kaas oo maraya marxaladdiisii labaad. Waxa uu intaas ku daray in CID-da la qorsheynayo in lagu xiro xafiisyada gobollada dalka, si loo dardargeliyo soo qabashada eedeysaneyaasha. “Waxaa jira nidaam wada-shaqeyn ah oo mideynaya 20 saldhig oo boolis ah oo ku yaalla gobolka Banaadir, Agaasinka Dambi-baarista CID-da, garsoorka iyo xeer-ilaalinta. Tababarrada shaqaalaha ku lugta leh way billowdeen, waxaana la filayaa in nidaamku si rasmi ah u shaqeeyo lixda bilood ee ugu horreeya sanadka 2026. Marka qof la soo qabto, xogtiisa si degdeg ah ayay u wada gaari doontaa dhammaan hay’adaha ku jira nidaamka. Wadashaqeynta aan la leenahay dowladda naga taageeraysa waa mid aad u muhiim ah,” ayuu yiri afhayeenku. Mashruucan cusub ayaa loo arkaa mid kor u qaadi kara hufnaanta nidaamka caddaaladda, isla markaana gacan ka geysan kara la-dagaallanka dambiyada iyo amni-darrada dalka.
XIGASHO-HOL.