MW-XASAN SHEEKH OO BOOQASHO RASMI AH UGA BILAABATAY DALKA QADAR.
(SAWIRKA)-MW-XASAN.
(DOHA/QATAR)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Qadar ee Dooxa ayaa sheegaayo in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ay gaareen magaalada Doha ee Caasimadda dalka Qatar, halkaasi oo si diiran loogu soo dhoweeyay Madaxweynaha iyo wafdigiisa. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddada uu jooga dalka Qatar, waxa uu kulamo la yeelan doonaa Mas’uuliyiinta kala duwan ee dalkaasi, isaga oo kala hadli doono xoojinta iskaashiga dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha iyo Siyaasadda. Safarka Madaxweynaha ayaa qayb ka ah booqashooyin shaqo oo uu ku marayo qaar ka mid ah dalalka caalamka, isaga oo diiradda saaraya adkeynta iskaashiga dhinacyada kala duwan, horumarinta danaha qaranka iyo taageeridda dadaallada lagu ilaalinayo Midnimada iyo Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale,warar ayaa sheegaayo in Madaxweyne Xasan Sheekh uu soo mari doono dalalka Masar iyo Boqortooyadda Sacuudiga si uu ugala hadlo xaaladda kacsan ee Aqoonsiga Isra’iil ee Jamhuuriyadda iskeed isu magacawday ee Somaliland si Isra’iil is fidinteed badda cas iyo Badweynta Hiniya looga hortegi lahaa,waxaane jirto in Madaxweynaha Turkiga uu isna booqasho ku maray dalalka Sacuudiga iyo Masar Todobaadkan kalana hadlay xaaladda wadamadda Soomaaliya, Yeman iyo Suudaan.
XIGASHO-VILLA SOMALIA.