TALIYE CUSUB OO LOO MAGACAABAY CXDS,WAA KUMA?

(SAWIRKA)-TALIYAHA CUSUB EE CXDS.

(MUQDISHO)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Jeneraal Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo leh khibrad shaqo ciidan oo 18 sano ah, iyo aqoon waxbarasho oo gaarsiisan heerka labaad ee jaamacadda. Golaha ayaa kulankoodii maanta oo uu shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre uga hadlay amniga dalka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu bogaadiyey guulaha ay ciidamada qalab-sida ka gaarayaan dagaalka lagu ciribtirayo argagixisada, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay deegaanka Jabad-Godane, hawlgaladaas oo Khawaarijta looga dilay wadarta in ka badan 550 horjooge, kuwaas oo 80 ka mid ah ay yihiin ajaanib. Shirka Golaha ayaa dhanka kale lagu magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqayn doona la-dagaallanka tahriibka, kuwaas oo ka kooban lix wasaaradood iyo Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Ugu dambayn, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey Axdiga Dhisidda Hey’adaha Caalamiga ah ee Dhexdhexaadinta, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyo Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda, oo ay soo gudbisay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda. Xilka Taliyaha Ciidamadda Xooga dalka Soomaaliyeed ayaa laga qaaday S/Guuto.Odawaa Yuusuf Raage kaaso xilka loo dhiibay 2024-kii.

XIGASHO-OPM.

Previous
Previous

ALSHABAAB OO JABAD GODANE LOOGA DILAY ILAA 150-XUBNOOD.

Next
Next

MAXKAMADDA G/BANADIR OO KA LAABATAY WAARANKII LOO JARAY AXMED MADOOBE.