ALSHABAAB OO JABAD GODANE LOOGA DILAY ILAA 150-XUBNOOD.
(SAWIRKA)-MIINOOYINKII ALSHABAAB EE JABAD GODANE.
(JABAD GODANE/WARSHEEKH)-Ciidanka Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa guul ka gaaray howlgal amni oo ka dhacay duleedka deegaanka Jabad-Godane ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay gacanta ku dhigeen keyd miinooyin ah oo ay halkaas ku lahaayeen maleeshiyaadka Khawaariijta. Howlgalkan, oo ka mid ah howlgallo horey u socday isla markaana ku saleysnaa xog sirdoon oo sugan, ayaa lagu ogaaday goob si qarsoodi ah loogu keydinayay miinooyin iyo walxo qarxa. Walxahan ayaa Khawaariijtu u adeegsan jirtay khatar-gelinta amniga iyo dhibaateynta shacabka. Ururka 161-aad guutadda 16-aad ee Kumaandooska XDS ee Danab ayaa si buuxda u sugey aagga, iyaga oo hubiyey in aanay jirin wax khatar ah oo ka iman kara walxaha qarxa, waxaana la bilaabay tallaabooyin lagu burburinayo keydka miinooyinka, iyadoo la raacayo habraacyada amniga ee la dejiyay. Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ah in ay sii wadaan howlgallada lagu ciribtirayo Khawaariijta, laguna xaqiijinayo amniga iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed. Degaanka Jabad Godane ee gobolka Shabeeladda Dhexe ayaa si rasmi ah waxaa kooxda Khawaarijta ALshabaab looga xureeyey laba maalmood ka hor ka dib dagaalo qaraar oo isdaba jooga ah oo halkaas ka dhacay isla markaasne kooxda looga dilay in ka badan ilaa 150-xubnood oo isugu jira Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad.
XIGASHO-RADIO SNA.