TALIYAHA AFRICOM GEN.ANDERSON OO CADEEYEY IN MARAYKANKU SALDHIG KU LEHEYN SOMALILAND.

(SAWIRKA)-GEN ANDERSON.

(MUQDSHO/SOMALIA)-Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Jeneraal Dagvin Anderson, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanku ay qaadaan taxaddarro adag si looga fogaado waxyeellada shacabka inta lagu jiro duqeymaha ay ka fuliyaan Soomaaliya, hase yeeshee wuxuu qirtay in ay jireen dhacdooyin hore oo ay ku dhinteen dad rayid ah. Wareysi uu siiyay warbaahinta gudaha ee Muqdisho, Anderson ayaa sheegay in AFRICOM ay si taxaddar leh u adeegsato xogaha sirdoonka, qorsheynta bartilmaameedyada iyo xaqiijinta goobaha la beegsanayo si loo yareeyo khasaaraha shacabka. "Wixii eedeyn lagu kalsoonaan karo ee ku saabsan waxyeellada shacabka waan baarnaa. Waxaa jiray marar aan khalad sameynay, waxaana bixinay magdhow markii taas la xaqiijiyay," ayuu yiri Anderson. Hadalka taliyaha AFRICOM ayaa kusoo beegmaya iyadoo duqeymaha Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya ay sii socdeen sanadkan, kuwaas oo laga fuliyay buuraha Golis ee waqooyiga dalka iyo deegaanno kale oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, ururrada madax-bannaan ee kormeera khasaaraha shacabka ayaa soo bandhigay warbixino ka duwan kuwa AFRICOM. Hay'adda Airwars, oo la socota waxyeellada shacabka ee ka dhalata hawlgallada milatari, ayaa diiwaangelisay dhacdooyin ay ku jiraan weerar la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Jamaame dabayaaqadii sanadkii hore, kaas oo lagu soo warramay inay ku dhinteen ugu yaraan 21 qof oo rayid ah, oo ay ku jireen carruur iyo dad waayeel ah. Sidoo kale, warbixinuhu waxay xuseen duqeyn ka dhacday duleedka Badhan bishii Sebtembar, halkaas oo la sheegay inuu ku dhintay oday deegaanka caan ka ahaa. AFRICOM ayaa xilligaas sheegtay inay bartilmaameedsatay nin ay ku tilmaantay ganacsade hub u qaabilsan Al-Shabaab, balse ma aysan xaqiijin aqoonsiga qofka la dilay. Anderson ayaan si gaar ah uga hadlin dhacdooyinkaas, balse wuxuu diiday aragtida ah in duqeymaha Mareykanku yihiin sababta ugu weyn ee khasaaraha shacabka. Wuxuu sheegay in khasaaraha ay geystaan Al-Shabaab iyo Daacish uu aad uga badan yahay kan ka dhasha hawlgallada ciidamada Mareykanka. "Tobannaan kun oo rayid ah waxaa dilay Al-Shabaab iyo Daacish. Sidoo kale waa in la qiimeeyaa horumarka iyo xasilloonida ay kooxahaasi hor istaageen, ma aha oo keliya dadka ay dileen," ayuu yiri. Taliyaha AFRICOM ayaa sidoo kale ku eedeeyay Al-Shabaab inay marar badan buunbuuniso ama been-abuur ka sameyso eedeymaha ku saabsan khasaaraha shacabka si ay ugu adeegto dacaayaddeeda, isagoo sheegay in AFRICOM ay marka hore hubiso saxnaanta wararka ka hor inta aysan furin baaritaan rasmi ah. Eedeymaha la xiriira dhimashada dadka rayidka ah ayaa muddo dheer ka mid ahaa arrimaha ugu muranka badan ee ku xeeran duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya. Ururrada xuquuqda aadanaha iyo bulshada deegaanka ayaa marar badan dalbaday baaritaanno hufan iyo in magdhow la siiyo dhibbanayaasha marka la xaqiijiyo in waxyeello rayid dhacday. Anderson ayaa sheegay in Mareykanku uu sii wadi doono baaritaanka warbixin kasta oo lagu kalsoonaan karo oo la xiriirta waxyeellada shacabka, isagoo ku adkeystay in isla-xisaabtanku uu qayb ka yahay hawlgallada milatari ee ka socda Soomaaliya.

XIGASHO-HOL.
    

Previous
Previous

CIRRO OO LA KULMAY TALIYE GEN.TUDOR OO MARAYKAN AH.

Next
Next

MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA FURAY KALFADHIGII 8-AAD EE BJFS.