MW-XASAN SHEEKH OO MAANTA FURAY KALFADHIGII 8-AAD EE BJFS.

(SAWIRKA)-MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO/SOMALIA)-·Muqdisho, Agoosto 01, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kaddib kulan wadajir ah oo Xildhibaanada Labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare isugu yimaadeen xarunta Villa Hargaysa. Madaxweynaha oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulanka ayaa ugu horreyn bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka, isaga oo ku ammaanay doorka wax ku oolka ah ee ay ka qaateen dowlad-dhiska dalka, xoojinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda, horumarinta sharciyada muhiimka u ah qaranka iyo matalaadda danaha shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxa uuna tilmaamay in dowladdu ay sii waddo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya, isla markqqna guulo la taaban karo laga gaaray dagaalka lagula jiro Khawaarijta, kuwaas oo ay hormuud u yihiin Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliyeed oo garab ka helaya shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa iftiimiyey horumarka laga gaaray geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka, isaga oo adkeeyey sida ay dowladda uga go’an tahay hirgelinta doorashooyin toos ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka, si loo xaqiijiyo hannaan siyaasadeed oo loo dhan yahay, laguna xoojiyo dowladnimada iyo ka qaybgalka muwaadiniinta.

XIGASHO-SNTV.

Previous
Previous

TALIYAHA AFRICOM GEN.ANDERSON OO CADEEYEY IN MARAYKANKU SALDHIG KU LEHEYN SOMALILAND.

Next
Next

WASIIR CALI BALCAD OO DACASKA LA DULMARAY GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYA.