TALISKA SARE EE AFRICOM OO BOOQANAYA WADAMADDA…
(SAWIRKA)-RW-ABIY IYO TALIYAHA AFRICOM.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee addis Ababa ayaa sheegaayo in Raysalwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Taliyaha ciidamada, Birhanu July ayaa la kulmay Taliyaha ciidamada Mareykanka ee taliska Dhexe ee Afrika marka la soo gaabiyana loo yaqaano AFRICOM Janaraal Dagvin RM Anderson shan iyo labaatankii bishan. Sarkaalkan sare ee Mareykanka ayaa booqan doono magaalada caasimada ee Addis Ababa si halkaas uu madaxda dalka ugula yeesho wadahadal ku saabsan arrinta Badda Cas iyo danaha Itoobiya sida ay sheegayaan warbaahinta gudaha dalkaas. “Waxaan saakay la kulmay taliyaha ciidamada Marekanka ee Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson kaas oo aan kala hadlay arrimaha ammaanka gobolka iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac” ayuu ku qoray bartiisa bulsho raysalwasaare Abiy Axmed. Wafdiga oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika, Janaraal Dagvin RM Anderson, wuxuu kaloo la kulmay Janaraal Birhanu July oo ah Taliyaha ciidamada Itoobiya. Labada mas’uul ayaa ka hadlay sidii ay isu kaashan lahaayeen dalalka ay ku yaalaan xeryaha qaxootiga si loo helo xasilooni. Sida ay sheegtay wasaarada difaaca Itoobiya, labada dal ayaa in muddo ah ka wada shaqeynayay arrimo badan oo ay ku jiraan militeriga. Taliyaha ciidamada wuxuu sheegay in uu sii xoogeysanayo xiriirka militeri ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Mareykanka. Janaraal Birhanu July waxa uu kaloo sheegay in Itoobiya ay sii wadeysoo dadaalkeeda ay ku wiiqeyso Al-shabaab si looga hortago arrimaha argagixisada iyo shirqooladooda. Isagoo ka mahadceliyay kaalinta Itoobiya ee gobolka looga hirgelinayo nabadda iyo xasiloonida, ayuu sheegay Janaraal Dagvin RM Anderson in dalkiisa uu sii wadayo dagaalka lagula jiro argagixisada. Taliyaha ciidamada Mareykanka ee Afrika waxa uu sheegay in uu taageerayo nidaamka Itoobiya ay ku dooneyso in ay ku hesho bad iyadoo la marayo hab nabadeed, waxa uuna sheegay in uu rumeysan yahay in Itoobiya ay wax badan ka qabaneyso ammaanka marka ay awood u hesho in ay gaari karto Badda Cas. Janaraal, Dagvin RM Anderson, wuxuu kaloo sheegay in uu Itoobiya dhankeeda kala hadlayo baahida dhinacooda ka jirta iyo qorshooyinka lagu xaqiijinayo ammaanka xeryaha qaxootiga. Dhinaca kale Taliyaha AFRICOM ayaa la soo kulmaya Madaxda Maamuladda Soomaaliland iyo Puntland ee dalka Soomaaliya waxa uuna kala soo hadlay sii xoojinta dagaalka lagula jiro Argagaixisadda Alshabaab iyo Daacish kuwaaso halis muuqata ku ah amniga Gobolka Geeska Afrika iyo kan Badda Cas.
XIGASHO-RISAALA.