AFGEMBI KA SHALAY KA DHACAY DALKA GUINEA BISSAU.
(SAWIRKA)-GUINEA BISSAU
(GUINEA BISSAU)-Madaxda Midowga Afrika, Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika (ECOWAS) ee kormeerka doorashada iyo Golaha Odayaasha Galbeedka Afrika (WAEF) ayaa muujiyay "walaac qoto dheer" Arbacadii ka dib markii militariga uu la wareegay awoodda Guinea-Bissau ka dib doorasho Madaxweyne.
Milateriga ayaa horraantii Arbacada xilka ka xayuubiyey Madaxweynihii dalkaas, Umaro Sissoco Embalo, iyadoo qaranku sugayo natiijada doorashada Madaxweynaha iyo sharci-dejinta ee la qabtay Axaddii. “Waxaan walaac weyn ka muujineynaa ku dhawaaqista inqilaab ay sameeyeen ciidamada qalabka sida, iyadoo qaranka laga sugayo ku dhawaaqista natiijada, waxaa wax laga xumaado ah in ku dhawaaqistaasi ay ku soo beegantay xilli ergadu ay soo gabagabeeyeen kulan ay la yeesheen labada musharax ee ugu cadcad xilka Madaxweynaha, kuwaas oo noo xaqiijiyey inay diyaar u yihiin inay aqbalaan rabitaanka shacabka,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen kormeerayaasha. Koox ka tirsan ciidamada milateriga oo isku magacaabay “Taliska sare ee militariga ee soo celinta amniga qaranka iyo nidaamka guud” ayaa ku dhawaaqay “in ay la wareegeen awood buuxda oo dowladnimo” hadal laga sii daayay telefishinka dowladda. Milatarigu waxa ay hakiyeen dhammaan hawlihii warbaahinta, waxa ay hakiyeen hannaanka doorashada ee socday, waxa ay xidheen dhammaan xuduudaha waxa aanay soo rogeen bandow sagaal saacadood ah oo bilaabmaya 9-ka fiidnimo ee wakhtiga maxaliga ah (2100GMT). Madaxda kormeerayaasha doorashada ayaa ku booriyay Midowga Afrika iyo ECOWAS inay qaadaan tillaabooyinka lagama maarmaanka u ah soo celinta nidaamka dastuuriga ah. "Waan ka xunahay isku dayga qaawan ee lagu carqaladaynayo geedi socodka dimoqraadiyada iyo guulaha la gaaray ilaa hadda," ayaa lagu yiri bayaanka. Waxa ay sidoo kale walaac ka muujiyeen xariga loo geystay mas’uuliyiin ay ku jiraan kuwii gacanta ku hayay howlaha doorashada. "Arrintan, waxaan ku boorineynaa ciidamada qalabka sida inay si deg deg ah u sii daayaan mas'uuliyiinta xiran si loogu ogolaado geeddi-socodyada doorashada dalka si loo soo gebagebeeyo," goobjoogayaashu waxay ku dareen. Ergada goob-joogayaasha ayaa ku ammaanay dadka Guinea-Bissau sida xooggan ee ay uga qayb-qaateen bulsho-weynta, iyagoo xusay in habka cod-bixintu u dhacday si habsami ah oo nabad-galyo ah. Afgambiga ayaa la sameeyay iyadoo musharaxa madaxa banaan ee Fernando Dias iyo madaxweynaha hadda xilka haya ee Embalo ay labaduba sheegeen in Isniintii ay ku guuleysteen doorashadii madaxtinimo iyadoo dalkuna la sugayo natiijada. 12-ka musharax ayaa ku tartamayey doorashada Madaxweynaha. Guddiga doorashada ayaa la filayaa in ugu dambeyn Khamiista maanta ah inay ku dhawaaqaan natiijada ugu dambeysa ee doorashada.
XIGASHO-AA.