TALISKA DHEXE EE MARAYKANKA OO SHEEGAY DHIMASHADA SEDDEX ASKERI IYO DHAAWACA SHAN KALE.
(SAWIRKA)-ASTAANTA CENTCOM.
(CENTCOM)-Taliska Dhexe ee Ciidamadda Mareykanka ayaa Axadda maanta ah sheegay in saddex askari oo Mareykan ah la dilay shan kalena ay si xun u dhaawacmeen howlgal wadajir ah oo ay wadajir u sameeyeen Mareykanka iyo Israa'iil oo ka dhacay Iiraan . "Dhowr kale ayaa soo gaaray dhaawacyo yaryar oo ka soo gaaray firir iyo jug - waxayna ku jiraan geeddi-socod lagu soo celinayo shaqadooda," CENTCOM ayaa ku tiri qoraal ay ku qortay baraha bulshada. "Hawlgallada dagaalka ee waa-weyn ayaa sii socda dadaalkayaga jawaab celintuna waa socdaa. Xaaladdu waa mid aan degganayn, marka ixtiraamka qoysaska awgeed, waxaan qarin doonnaa macluumaad dheeraad ah, oo ay ku jiraan aqoonsiga dagaalyahannadeenna dhintay, ilaa 24 saacadood ka dib marka la ogeysiiyo qaraabada."
ISHA-CENTCOM.