30-XIDHIBAAN OO U SAFRAAYEY GARAWE OO DIB LOOGU SOO CELIYEY MUQDISHO.
(SAWIRKA)-XILDHIBAANADA U SAFRAAYEY GARAWE.
(MUQDISHO)-In ka badan 30 xildhibaan oo ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Puntland, ayaa dib loogu celiyay magaalada Muqdisho, kaddib markii diyaaraddii ay la socdeen oo ku wajahnayd magaalada Garowe lagu amray in ay ku soo laabato caasimadda. Xildhibaanadan ayaa ugu duulay Garowe si ay uga qeyb galaan shir wadatashi ah oo uu ku casuumay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo la xiriira xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya. Kulankaas ayaa la qorsheynayay in uu qabsoomo maalinta berri ah. Qaar ka mid ah xildhibaanada dib loo celiyay ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay ku xadgudubtay xuquuqdooda dastuuriga ah iyo xasaanaddooda, iyagoo ku tilmaamay tallaabadaasi mid nasiib darro ah. Waxay sheegeen in laga hor istaagay in ay gaaraan deegaanadii laga soo doortay, taas oo ay u arkaan faragelin siyaasadeed. Dhanka kale, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa cambaareeyay tallaabada lagula kacay xildhibaanada. Xoghayaha guud ee golaha, Dr. Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay in falkaasi uu yahay mid baalmarsan sharciga. “Waxaan si adag u cambaareynayaa tallaabada maanta lagula kacay xildhibaanada qaranka, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Puntland. Diyaaraddii ay la socdeen ayaa laga hor istaagay inay sii waddo safarkeeda, taas oo halis gelin karta ammaankooda,” ayuu yiri Koofi. Dr. Koofi wuxuu sheegay tallaabada lagu celiyay xildhibaanada in ay muujineyso cadaadis siyaasadeed, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo xorriyadda dhaqdhaqaaqa iyo xuquuqda matalaadda xildhibaanada. Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay hoggaanka dalka in ay joojiyaan tallaabo kasta oo keeni karta xiisad hor leh iyo cawaaqib wax u dhimi kara midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. Xildhibaan Xeyle oo ka mid ahaa xildhibaadanada la socday diyaaradda lga soo celiyey Garawe ayaa Tv-ga Universal u sheegay in amarka lagu soo cleiyey diyaaradda uu lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud isaga oo aan raacin wax cadeyn ah, dhinaca kale, mid ka mida ah Xildhibaanada saarnay diyaaradda ayaa isagana yiri”Waxa inaloo soo celiyey waxa weeye in iyaaradda Daalo uu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu safraayo dalka Liibya”, isaguna cadeyn ma uusan bixin. Xildhibaanadda aan qeybta ka ahayn kuwa u safraayey Puntland kana soo jeeda Puntland ayaa ka soo kala jeeda: (1)-Majeerteen: Wasiir Cali Xoosh, Wasiir Xaange, Dhucle iyo Qambi. (2)-Dhulbahante: Senitar Tima Cadde, Qawdhan, Wasiir Bidhaan, Dhaanto, Sahra Bundubte, Maxamed Keyse. (3)-Warsangeli: Seynab Tiimbiye iyo Geesood. (3)-Leelkase: Fardawsa, Jigato, Wasiir Nuux Dheere. (4)-Carab Saalax: Gudoomiye Sacdiya. (5)-Dashiishe: Ceynaanshe. (6)-Awrtable: Xirsi Gaani.
ISHA-HOL.