TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA YEMEN.

(SAWIRKA)-TAHRIIBAYAAL.

(SHABWA/YEMEN)-BREAKING NEWS: Laba maalmood gudahood, 350 muhaajiriin Afrikaan ah ayaa soo gaaray xeebta magaaladda Radhuum ee Gobolka Shabwa K/Yemen, iyadoo ay jirto mowjad cusub oo tahriib sharci darro ah oo ka imanaya Geeska Afrika, sida laga soo xigtay qoraal lagu soo daabacay bogga internetka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Booliska magaaladda Radhuum ayaa caddeeyay in muhaajiriinta, oo dhammaantood ah Itoobiyaan, ay ku yimaadeen doon tahriibin ah oo lagu magacaabo "Al-Faaruuq" oo ay la socdaan shan badmaaxiin Soomaali ah, iyagoo cusboonaysiiyay digniintooda ah in socodka sharci darrada ah uu ka badan yahay awoodda maamullada maxalliga ah, waxayna ugu baaqeen mas'uuliyiinta maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah iyo ururada inay qaadaan mas'uuliyadahooda wax ka qabashada saameynta amniga, bulshada, iyo dhaqaalaha ee sii kordheysa ee dhacdadan. Koonfurta dalka Yemen,gaar ahaan Gobolka Shabwa ayaa ah halka ey sida badan ka soo degaan dadka Tahriibka ah ee ka yimaado Bariga Qaaradda Afrika,dadkaan ayaa u badan Itoobiyaan baxsad ka ah dagaaladda ka socod degaanadooda kuwaaso u dhexeeyo ciidamadda Dawladda Federaalka Itoobiya iyo kooxo iyada ka soo horjeeda eyna ugu itaal roon tahay kooxda Oromada ee Fano.

ISHA AL-MASDAR ONLINE.

Previous
Previous

MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SHACABKA MUQDISHO KULA DABAAL DEGAY TALEEX.

Next
Next

MUQAAL MURAN BADAN DHLIYEY OO LAGA SHEEGTAY.