MW-XASAN SHEEKH MAXAMUD OO SHACABKA MUQDISHO KULA DABAAL DEGAY TALEEX.

(SAWIRKA)-MW-XASAN OO KU SUGAN ISGOYSKA TALEEX.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa caawa shacabka magaalada Muqdisho kala qeyb galay dabaal-degga munaasabadda qaran ee 1-da Luuliyo, iyadoo boqolaal qof ay isugu soo baxeen Isgooska Teleex si ay u xusaan maalinta xorriyadda iyo midnimada Soomaaliya. Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya Madaxweynaha iyo xubnaha Guddiga Qabanqaabada Toddobaadka Xorriyadda oo shacabka dhex jooga, iyagoo si wadajir ah uga qeyb qaadanaya munaasabadda ay hareeyeen calanka Soomaaliya, heeso wadani ah iyo dareen qaranimo. Isgooska Teleex ayaa noqday mid ka mid ah goobaha ugu mashquulka badan caawa, halkaas oo kumannaan qof ay isugu yimaadeen si ay u muujiyaan farxadda munaasabadda 1-da Luuliyo, oo ah maalin xusuus gaar ah u leh shacabka Soomaaliyeed. Munaasabaddan ayaa lagu maamuusayaa xorriyaddii gobollada Koonfureed iyo mideyntii Waqooyi iyo Koonfur ee sanadkii 1960, taas oo horseeday aasaaska Jamhuuriyadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka ayaa toddobaadkan qabanqaabisay munaasabado kala duwan oo lagu xusayo maalmaha xorriyadda, iyadoo shacabka lagu dhiirrigelinayo adkeynta midnimada, wadajirka iyo dowladnimada dalka. In madaxweynuhu uu boqolaal shacab ah kula dabaal-dego jidadka Muqdisho ayaa loo arkaa astaan muujinaysa sida uu amniga magaaladu u soo hagaagayo, islamarkaana kalsoonidu bulshada iyo madaxdu u sii kordhayaan.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MADAWEYNAHA BARLAMANKA CARABTA OO U HAMBALYEEYEY SOOMAALIYA.

Next
Next

TAHRIIBAYAAL ITOOBIYAAN AH OO GAARAY XEEBAHA YEMEN.