SOOMAALIYA OO SHEEGTAY IN QUBRUS TAHAY DAL JIRA.

(MUUAALKA)-ASTAANTA SOOMAALYA.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u caddeysay in mowqifkeeda ku aaddan arrinta Qubrus uusan waxba iska beddelin, kaddib hadal dhawaan ka soo baxay Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo dhaliyay dood ku saabsan siyaasadda Soomaaliya ee Qubrus. Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Soomaaliya ay si buuxda u ixtiraamayso madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Qubrus, iyadoo mowqifkaas ku saleysan Axdiga Qaramada Midoobay iyo qaraarrada Golaha Ammaanka ee QM, gaar ahaan qaraarrada 541 ee 1983 iyo 550 ee 1984. Wasaaraddu waxay sidoo kale caddeysay in xiriir ama qoraal shaqsiyeed oo dhawaan la sameeyay uusan matalin isbeddel ku yimid siyaasadda rasmiga ah ee dowladda Soomaaliya. “Ma jiro wax go’aan ah oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku beddeshay mowqifkeeda,” ayay Wasaaraddu ku adkaysay bayaankeeda. Arrintan ayaa timid kaddib markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Cabdulkadir Maxamed Nuur uu farriin uu soo dhigay baraha bulshada uga mahadceliyay Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Waqooyiga Qubrus hambalyada uu u diray kaddib doorashadiisa. Arrintaas ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan haddii Soomaaliya ay wax ka beddeshay mowqifkeeda ku aaddan Waqooyiga Qubrus. Hase yeeshee, bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa meesha ka saaray fasiraadahaas, iyadoo si cad u sheegtay in Soomaaliya aysan aqoonsanayn wax hay’ad ama maamul gooni ah oo ka jira waqooyiga Qubrus. Dowladda Soomaaliya waxay sidoo kale dib u xaqiijisay taageeradeeda xal nabadeed, wadaxaajood ku dhisan oo waara oo laga gaaro khilaafka Qubrus, iyadoo la raacayo sharciga caalamiga ah iyo dadaallada Qaramada Midoobay. Sidaas darteed, bayaanka cusub ee Muqdisho wuxuu muujinayaa in Soomaaliya aysan aqoonsi siin Waqooyiga Qubrus, balse ay weli taageersan tahay midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Qubrus.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

MAXKAMAD TURKI AH OO WAARAN SOO QABSHO U JARTAY NETANYAHU IYO AFEK MOSKOVITCH.

Next
Next

MW-XASAN MA AQBALI DOONAA CADAADISKA MUSEVENI?