MW-XASAN MA AQBALI DOONAA CADAADISKA MUSEVENI?
(MUUQAALKA)-MW-XASAN SHEEKH IYO MUSEVENI.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Majaladda Africa Intelligence ayaa sheegtay in Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, uu cadaadis ku saarayo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, si uu heshiis siyaasadeed ula gaaro dhinacyada mucaaradka, iyadoo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya uu walaac ka abuurayo mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM. Sida lagu sheegay warbixinta, Museveni ayaa Xasan Sheekh ku boorriyay inuu muddo aan ka badnayn hal sano ku xalliyo khilaafaadka siyaasadeed ee dalka, iyadoo Kampala ay ka digeyso in sii socoshada kala qeybsanaanta siyaasadeed ay saameyn ku yeelan karto xaaladda amni iyo howlgalka ciidamada Afrika ee Soomaaliya. Warbixintan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM walaac ka qabaan mustaqbalka howlgalka, gaar ahaan dhinacyada maalgelinta, saadka iyo taageerada caalamiga ah. 31-kii July, magaalada Kampala waxaa lagu qabtay shir aan caadi ahayn oo ay yeesheen dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, kaas oo diiradda lagu saaray mustaqbalka howlgalka iyo sidii loo heli lahaa taageero dhaqaale iyo mid saadka ah oo joogto ah. Taliyeyaasha ciidamada dalalka ku jira howlgalka ayaa sidoo kale waday wadatashiyo ku saabsan dib-u-xoojinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab iyo qorshayaasha dib loogu soo celinayo deegaanno ay ciidamada dowladda lumiyeen, ka hor inta aan mas'uuliyadda amniga lagu wareejin ciidamada Soomaaliyeed. Sidaas darteed, tallaabo kasta oo Kampala ay ka qaaddo joogitaanka ciidamadeeda Soomaaliya waxay saameyn weyn ku yeelan kartaa awoodda howlgalka Midowga Afrika, gaar ahaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab. Africa Intelligence ayaa sheegtay in farriinta Museveni ay si dhow isugu xirayso xasilloonida siyaasadeed ee Muqdisho iyo sii joogitaanka ciidamada Uganda ee Soomaaliya, taasoo arrinta siyaasadda gudaha Soomaaliya ku dartay dhinac cusub oo la xiriira amniga iyo taageerada militari ee gobolka. Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa wajahaya cadaadis cusub, iyadoo mustaqbalka AUSSOM, dagaalka Al-Shabaab iyo joogitaanka ciidamada Uganda ay dhammaantood ku xiran yihiin xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka.
ISHA-HOL.