SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSA KALFADHIGA 39-AAD EE SHIRWEYNAHA DACWADDA.

(MUUQAALKA)-WASIIR ROOBOW OO GAARAY MURITANIYA.

(NOUAKCHOTT/MAURITANIA)-Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane ๐—ฆ๐—ต๐—ฒ๐—ฒ๐—ธ๐—ต ๐— ๐˜‚๐—ธ๐—ต๐˜๐—ฎ๐—ฎ๐—ฟ ๐—ฅ๐—ผ๐—ผ๐—ฏ๐—ผ๐˜„ ๐—–๐—ฎ๐—น๐—ถ, ayaa dalka Muritaaniya uga qeybgalaya kalfadhiga 39-aad ee Shirweynaha Caalamiga ah ee Dacwada iyo Shareecada Islaamka ee Siirada Nabiga, oo shalay ka furmay magaalada Nouakchott. Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeybgalaya in ka badan 50 dowladood, waxaana isugu yimid culimo, masuuliyiin iyo wakiillo ka kala socda dalal kala duwan oo caalamka ah. Shirweynaha ayaa diiradda lagu saarayaa barashada iyo faafinta hanuunka Siirada Nabiga (NNKH), iyadoo si gaar ah looga hadlayo doorka tawxiidka, akhlaaqda, saxidda caqiidada iyo sidii mabaadiโ€™daas loogu xoojin lahaa bulshada Muslimiinta. Wasiir Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa Soomaaliya ku matalaya shirkan caalamiga ah, isagoo ka qeyb qaadanaya kulamada iyo doodaha looga hadlayo arrimaha diinta, dacwada, iyo iskaashiga dowladaha iyo hayโ€™adaha Islaamiga ah. Ka qeybgalka Soomaaliya ee Kalfadhiga 39-aad ayaa sidoo kale fursad u ah dowladda Federaalka Soomaaliya inay xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hayโ€™adaha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada diinta, waxbarashada iyo iskaashiga Islaamiga ah. Inta uu shirka socdo, Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa inuu ka qeybqaato kulamada iyo doodaha madasha, isagoo sidoo kale kulamo la yeelanaya masโ€™uuliyiin iyo wakiillo ka socda dowladaha ka qeybgalaya shirka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

KALA OROD KA DHACAY DUGSIGA SARE EE ELK RIVER MINNESOTA.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGELEYSA KULANKA URURKA IGAD EE JABUUTI.