SOOMAALIYA OO KA QEYB GELEYSA SHIRKA BAARLAMANADA ADDUUNKA EE ISTANBUL.

(SAWIRKA)-GUD.ABSHIRAW.

(ISTANBUL/TURKEY)-Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jira Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga uga qeybgalay Shirweynaha 152-aad ee Baarlamaanada Aduunka oo si rasmi ah halkaasi uga furmay. Shirkan oo ay ka qeyb galaayaan wakiilo ka socda Baarlamaanada Aduunka, waxaa Soomaaliya ku metelaya wafdi uu heerkiisu aad u sarreeyo oo uu hogaaminayo Guddoomiye kuxigeenka labaad Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow. Shirweynaha Baarlamaanada Aduunka ayaa sanadkan looga hadlayaa arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin nabadda iyo amniga caalamka, isbeddelka cimilada, horumar waara, dimuqraadiyadda, iyo sidoo kale xoojinta iskaashiga baarlamaannada Aduunka. Shirweynahaan 152-aad ee Baarlamaanada Adduunka ee ka dhacayo magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga ayaa loogu talagalay inuu socdo inta u dhexeyso 15-ka bishaan ilaa 19-ka bishaan. Hayadah Sharci dejina ee Adduunka oo ey ku jiraan Golaha Maamulka,Gudiga Joogtada ah,Gudiga Xuquuqda Aadnaha ee ee Baarlamaanka iyo Su’aalaha Gobolka Bariga Dhexe iyo sidoo kale Golaha Haweenka Baarlamaanka iyo Golaha xildhibaanadda dhallinyarada ayaa wada qeyb geli doona kulankaan. Dooda guud waxa ey diiradda saari doontaa mawduuca guud ee KObcint Rajada,Golaha ayaa ansixin doonoQaraaro.

ISHA-AB.

Previous
Previous

BANGI TALYAANIGA KU YAAL OO RAG HUBEYSAN EY DHECEEN.

Next
Next

RABSHADO SAAKAY KA DHACAY DEGMADA DAYNIILE EE G/BANADIR.