RABSHADO SAAKAY KA DHACAY DEGMADA DAYNIILE EE G/BANADIR.

(SAWIRKA)-DEGMADA DAYNIIL G/BANADIR.

(MUQDISHO)-Wararka laga helaayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul wasaarayaashii hore Xasan Cali Kheyre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa si adag uga hadlay xaaladda cakiran ee ka taagan degmada Dayniile, halkaas oo dagaallo iyo xiisado la xiriira muran dhul ay ka dhaceen maanta. Mas'uuliyiintaan hore ayaa cambaareeyay falal ay ku tilmaameen xadgudubyo ka dhan ah shacabka, oo ay ka mid yihiin duullaan, dhulboob, barakicin, jirdil iyo afduub, Waxay sheegeen in falalkan lagu eedeeyay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, kuwaas oo lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin isku dayo lagu doonayo in lagu qabsado dhul ay leeyihiin dad rayid ah. Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa muujiyay walaac xooggan oo ku aaddan xaaladda bani’aadannimo, isagoo ku baaqay in la ilaaliyo xuquuqda dadka rayidka ah, lagana hortago in colaadda ay sii fido. Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhankiisa sheegay in Dilka, barakicinta iyo caburinta sii socota ee ay xukuumadda Xasan Sheekh ku hayso shacabka ku dhaqan Muqdisho aysan ahayn wax la aqbali karo, waxaana uu ku tilmaamay tallaabooyinkan kuwa gurracan oo ay horseed u noqon karaan kacdoon dad weyne iyo in shacabku ay dowladnimada ka niyad jabaan. "Waxaan xukuumadda ku adkaynaynaa in ay joojiso barakicinta, dilka muwaadiniinta, ku tacaddiga shacabka iyo cabburinta dhallinyarada, maalmahan kooban ee u harayna ay  kaga shaqeeyaan sidii dalka looga badbaadin lahaa firaaqa dastuuriga ah ee uu galay, isla markaana loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay oo hufan." ayuu raaciyay hadalkiisa. Ra'iisul wasaare hore Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in ay “musiibo qaran” tahay in dowladda hadda jirta ay ku kacdo falal ka dhan ah shacabka, isagoo ku eedeeyay inay adeegsanayso ciidanka si loogu barakiciyo dadka looguna qabsado dhulkooda. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay ciidamada inay ka fogaadaan ku lug lahaanshaha tacaddiyada ka dhanka ah shacabka. Sidoo kale Ra'iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri "Waxaa ayaan darro ah in iyadoo dalka uu wajahayo xaalado adag, abaaro saameyn ba’an ku yeeshay qeybo badan dalka, in haddana dowladda Xasan Sheekh ay sii waddo falal sharci-darro ah barakicin iyo dhulboob joogto ah oo loo geysanayo dadka rayid ah." "Waxaan ugu baaqayaa Dowladda Federaalka oo waqti xileedkeeda gabaabsiga yahay, in ay ka waantoobaan falalkan sharci-darrada ah, si deg deg ahna xabsiga uga soo daayaan nabadoonada iyo shacabka la xiray, Isla markaana ay qaadaan tallaabooyin lagu xaqiijinayo ilaalinta xuquuqda shacabka Soomaaliyeed naftooda iyo hantidooda" ayuu hadalkiisa raaciyay Rooble Hogaamiyeyaashaan ayaa si wadajir ah ugu baaqay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in si degdeg ah loo sii daayo odayaasha dhaqanka ee la sheegay in lagu xiray howlahaas, isla markaana la joojiyo dhulboobka iyo barakicinta shacabka. Ilaa iyo hadda, dowladda Federaalka iyo maamulka gobolka banaadir kama aysan soo saarin war rasmi ah oo ku saabsan eedeymahan, iyadoo xaaladda degmada Dayniile ay saacadihii lasoo dhaafay ay ahayd mid kacsan.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYB GELEYSA SHIRKA BAARLAMANADA ADDUUNKA EE ISTANBUL.

Next
Next

ISRAEL OO SAFIIR FADHIYA DAL KALE U WAKILATAY SOMALILAND.