SOOMAALIYA OO DACWEYNEYSO SHIRKADO AJNABI AH OO….

(SAWIRKA)-WASIR DAHIR.

(MUQDISHO)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay qaadi doonto tallaabooyin sharci ah oo ay ku dacweynayso shirkado iyo shaqsiyaad lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah uga faa’iideysanayaan kheyraadka macdanta dalka. Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, Daahir Shire Maxamed, ayaa sheegay in Soomaaliya ay hodan ku tahay kheyraad macdan oo aad u ballaaran, balse ay si weyn uga jiraan howlo sharci-darro ah oo lagu qodayo laguna dhoofinayo. Daahir Shire ayaa sheegay in dowladdu ay haatan waddo qorshe lagu ogaanayo laguna ogaanayo shirkadaha iyo shaqsiyaadka ku lugta leh howlaha sharci-darrada ah, si loo bilaabo dacwado sharci ah oo ka dhan ah. Wuxuu xusay in sanadihii ugu dambeeyay dahab laga qoday dalka oo lagu qiimeeyay in ka badan 331 milyan oo doolar si sharci darro ah loogu iib geeyay suuqyada caalamka. Wasiirku wuxuu muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan shirkado iyo shaqsiyaad si sharci-darro ah uga faa’iideysanaya kheyraadkaasi, isagoo tilmaamay in inta badan howlahan ay ka dhacaan deegaanno ay bulshada deegaanka ku lug leeyihiin, isla markaana macdanta lagu kala iibsado si hoose. Wasiirku wuxuu sheegay in howlahan sharci-darrada ah ay ka socdaan qaar ka mid ah gobollada Sanaag iyo Bari ee Puntland, iyo sidoo kale gobolka Awdal ee Somaliland, halkaas oo uu sheegay in warbixino badan horey looga diyaariyay. “Dawladda awood buuxda uma laha meel kasta oo laga qodayo macdanta, waxaana jira dad deegaanka ah oo si toos ah ugu lug leh,” ayuu yiri Daahir Shire. Wuxuu intaas ku daray in sharci cusub oo la xiriira maareynta macdanta uu marayo heer gabagabo ah, isla markaana la filayo in uu dhaqan galo marka uu saxiixo madaxweynaha Soomaaliya, taas oo la filayo inay xoojiso awoodda dowladda ee la dagaallanka macdanta sharci-darrada ah.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

WADA HADALADII ISLAMABAD OO KHATAR UGU JIRA INEY BURBURAAN.

Next
Next

HAYADAHA AMAANKA CAASIMADDA OO QABTAY HUB SHARCI DARRA AH.