HAYADAHA AMAANKA CAASIMADDA OO QABTAY HUB SHARCI DARRA AH.
(SAWIRKA)-HUBKII LA QABTAY SHALAY.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in Hayadaha Amaanka ee caasimadda ey u suurtagashay iney gacanta ku dhigaan hub fara badan uuna qeyb ka yahay Hoobiyaha. Arrintaan ayaa ka dhacday bar koontarool oo ka mid ah kuwa laga ilaaliyo caasimadda ka dib markii Mooto Bajaaj siday Khuraad looga shakiyey iney sido waxyaabaha Qarxo ama hub sharci adrra ah, saraakiisha amaanka ayaa isku dayey iney joojiyaan Bajaajta balse darawlkii weday oo og inuu sido hub sharci darra ah ayaa isku dayey inuu goobta ka baxsado ama uu qarxiyo waxyaabah u saaran Bajaajta, waa qarxiyey Bajaajtii balse ma jirto cid wax ku noqotay oo la soo sheegay ilaa hadda, isagiina waxaa gacanta ku dhigay hayadaha amaanka ee caasimadda Muqdisho. Lama cadeyn halka uu u siday hubkaan u badan hoobiyaha balse waxaa loo maleynayaa in ujeedku ahaa mid la doonaayey in lagu khalkhal geliyo xafladii shalay ka dheceysay dekadda Muqdisho taaso lagu soo dhaweynaayey Markii Qodi lahaa shidaalka dalka Soomaaliya, dhacdooyinka nuucaan ah ayaa waxaa caannku ah kooxda Khawaarijta Alshabaab oo si xoogan u diidan DFS. Dhinaca kale, kooxda ALshabaab ayaa sagaalkii bishaan Abriil waxa ey dil toogasha ah ku fuliyeen shan dhallinyara ah ey ku sheegeen iney ahaayeen Basaasiin, shanta Dhallinyaro ey ALshabaab toogteen khamiistii ina dhaaftay ayaa waxaa ka mid ahaa Muscab Cismaan Cabdi kaaso caan ka ahaa barta TIKTOK, waxaane Muscab laga afduubtay Gobolkahiiraan ee dawlad goboleedka H/shabeele annadku markuu ahaa 2024-kii. Afduubka Muscab ayaa loo aaneynayaa gabar kooxda ALshabaab u adeegto Muscabne ey walaalo yihiin, waayo Muscab ayaa ahaa wiil dhallinyara ah si fiicane uga hadli dhulka Soomaaliya wanaagiisa. Hadaba magacyadda dhallinyarada la toogtay maalintii Khamiista Galabnimadeedii ayaa kala ah:
(1)-Maxamed Aden Gabaw(daqare). 38-jir aj.
(2)-Maxamed Xasan Colaad. 33-jir ah.
(3)-Muscab Cismaan Cabdi. 25-jir ah.
(4)-Siidi xasan Makeeri. 30-jir ah.
(5)-Xasan Aden Maadeey. 32-jir ah.
SUUQ-BACAAD MEDIA/MUQDISHO.