SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO SII XOOJIYEY….

(SAWIRKA)-SOOMAALIYA IYO TURKIGA.

(TURKEY)-Wadamadda Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah oo ku saabsan sahminta Kaarboon Haydarayt taaso xoojineysa iskaashiga Tamarta ee sii kordhaya. Heshiiska oo uu ku dhawaaqay Wasiirka Tamarta Turkiga Alparslan Bayraktar ayaa waxaa ku lug leh shirkada tamarta ee Dawaladda Turkiga ee TPAO iyo Hayadaha Batroolka Soomaaliya oo iska kaashanaayo Cilmi Baarista shidaal iyo Gaaska ee Xeebaha. Bayraktar oo ka hadlay heshiiska ayaa yiri”Heshiiskaan waxaan u fulineynaa hawlo cilmi baaris ah oo dhanka shidaalka iyo Gaaska ah oo ku saabsan dhulalka Soomaaliyeed”. Qoraalka ayaa lagu saxiixay booqashadii Wasiirka Difaaca Soomaaliya uu ku tegay Ankara,iyadoo sidoo kale looga hadlay heshiisyo balaaran oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah. Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo ka qeybgalay shirkii Tamarta ee todobaadkii hore ka dhacay magaaladda Istanbul ayaa shaaca ka qaaday in Markabka Oruc Reis ee baarista Turkigu ka bilaabay seddex goobood oo Xeebaha Soomaaliya ka tirsan,Goobaha sahminta laga sameeyey ayaa gaaraya ku dhawaad 5-kun oo Kiilomitir oo iska wareeg ah. Dalka Turkiga ayaa sannadihii ugu dambeeyey ku soo ifbaxay isbahaysiga Tamarta iyo Horumarka Soomaaliya,taaso sare u qaadeyso iskaashiga dhanka sahminta shidaalka iyo Gaaska ee Badda. Heshiiskan ugu dambeeyey ayaa astaan u ah horumar kale oo ey iska kaashanaayo,faa’iidooyin wadaaga ahne u leh waaxyaha tamarta ee labada dal.

ISHA-TR.

Previous
Previous

ASKERIGII LA DHAAWACAY CADAALAD MA HELI DOONAA?

Next
Next

SOOMAALIYA OO QEYBGASHAY SHIRKA DOOXA.