ASKERIGII LA DHAAWACAY CADAALAD MA HELI DOONAA?

(SAWIRKA)-MSUULIYIINTA BJFS OO BOOQDAY ASKERIGII LA DHAAWACAY.

(MUQDISHO)-Sida aan la wada socono,maanta oo Arbaca ah kuna beegan 27/11/24-ka waxaa kulan wadajir ah ku yeeshay Xarunta Villa Hargeysa ee magaaladda Muqdisho Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ujeedka kulanka ayaa ahaa in la meel mariyo Gudiga Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha dalka JFS, Gudigaan ayaa waxaa soo guudbiyey Golaha Wasiiradda XFS. Si Gudigaan loo Ansixiyo dabadeedna loo dhaariyo ayaa arrinkaan waxaa si cad oo aan leex-leexad lahayn uga horyimid Xildhibaano Abaabulan intooda badane ka soo jeedo Maamulka Jubaland. Xildhibaanadda Abaabulan ayaa isku dayey iney Arbushaan fadhiga wadajirka ah ee Labada Aqal ee BJFS balse uma eysan suurtagelin oo waxa ey noqdeen kuwa iyaga kaligood ku ah Arbushaadii. Nasiib darro,mid ka mid Xildhibaanadii Abaabulnaa ee Arbushaada weday laguna magacaab Xasan Firimbi oo kaashanaayo Xildhibaan C/rashiid Jire,waxa uu wijiga laba jeer ka Feeray askeri ka mid ah askarta ilaalisa Amniga Xildhibaanadda waxa uuna u gaystay dhaawac sababay in askerigii la dhigo Isbitaalka Ciidanka Booliska Madiino ee magaaladda Muqdisho. Askeriga dhibanaha ah ayaa waxaa soo booqday Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Gen.Asad C/laahi Diyaano,Habdhawrka Baarlamaanka JFS Md.Xildhibaan Nuux iyo Xoghayaha Guud ee BJFS Md.Jaabir iyo Xildhibaano fara badan. Wasiirul Dawlaha Wsaaaradda G/dhiga XFS Md.Xildhibaan Cumar Cali Cabdi,Xildhibaanad Farxiyo Dhaqane iyo Senitar C/weli Garyare ayaa ka mid ahaa dadkii booqday askeriga dhibanaha ah,dhammaan masuuliyiinta soo booqatay askeriga dhibku soo gaaray ee lagu magacaabo Xuseen Maxamed Xasan ayaa Xukuumadda FS iyo hayadaha Cadaaladda JFS ugu baaqay in cadaaladda la horkeeno Xildhibaan Xasan Firimbi iyo Xildhibaan C/rashiid Jire oo kuleetiga ka haayey askeriga markii uu Xasan Firimbi feeraayey,meeshana ka saaray in dhibkaan lag dhammeeyo Maro hoosteed.

ISHA-SUUQBACAAD MEDIA.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKII KAMPALA.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO TURKIGA OO SII XOOJIYEY….