SIYAASIYIINTA JOOGTA TURKIGA OO CABSI SOO FOOD SAARATAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA DFS.

(MUQDISHO)-Shirka todobaadlaha ah ey yeeshaan Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee qabsoomay shalay oo Khamiis ahayd ayaa lagu Ansixiyey Heshiis ey wada galaeen Wasiiradda Cadaaladda Dawladaha Federaalka Soomaaliya iyo dalka Turkiga,heshiiskaan ayaa waxaa qodobadiisa ka mid ah Isdhaafsiga Maxaabiista iyo Eedeysanyaaasha labada dal. Qodobkaan ayaa waxaa laga keenay dood aad u culus waxaane la sheegay inuu yahay mid ey Dawladda Federaalka Soomaaliya ku dooneyso iney kaga faa’iiderysato dhinaca Mucaaradkeeda ku sugan gudaha dalka Turkiga, arrintaan ayaa waxaa Waraysi buuxa ka bixiyey Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka DFS Md.Xasan Macallin,Wasiirka ayaa sheegay in qodobkaan uusan khuseyn Siyaasdda balse uu yahay mid khuseeyo Dembiilayaasha isaga gudba xuduudada. Waxaa jiro siyaasiyiin fara badan oo Soomaaliyeed mucaaradna ku ah DFS kuna sugan dalka Turkiga kuwaaso inta badan DFS ka cambaareeyo gudaha dalka Turkiga ayagoo codadkooda sii marinaayo Baraha Bulshada,waane kuwaas kuwa ey soo food saartay cabsida ugu weyn ee heshiiskaan.

ISHA/BBC-SOMALI.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

AGAASIMAHA CIA OO GAARAY QAAHIRA MAANTA.

Next
Next

GACAN KU DHIIGLEYAAL LA SOO QABTAY.