GACAN KU DHIIGLEYAAL LA SOO QABTAY.

(SAWIRKA)-MARXUUM C/LAAHI CABDI ISAAQ.

(MUQDISHO)-Wararka aan ka helayno caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Muqdisho ayaa sheegaayo in hayadaha Amniga ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ey ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan Gacn ku dhiiglyaal horay dil uga gaystay duleedka Caasimadda Muqdisho. Dhammaadkii bishii Barakaysneed ee Ramadaan kuna beegneed habeenkii la iclaamiyey iney bilatay bishii Shawaal ayaa waxaa degaanka Ceel-Dacas kana tirsan Garasbaaley dil loogu gaystay wiil araday ah oo da’adiisa lagu sheegay iney tahay ilaa 18-jir, marxuumka la dilay ayaa magaciisa la dhihi jiray C/laahi Cabdi Isaaq,sida ey sheegeen goobjoogayaal dilka C/laahi ayaa waxaa gaystay askar ka tirsan ciidamadda DFS kuwaaso falka ka dib isaga baxsaday goobta uu dilku ka dhacay. Sida ey sheegeen Hayadaha Amniga ee DFS dilka ayaa waxa uu dhacay taariikhdu markeey ahayd 10/4/24-ka saacadu markeey ahayd 11:45-Habeenimo. Raga gaystay dilka oo ahaay seddex nin lana soo qabtay maanta oo Jimca ah ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: )1)-Cabdi Axmed Caddaw(Maleeshiyo). (2)-Axmed Maxamed Raage(Qataataw) ahne askeri ka tirsan CXDS. (3)-Farxaan Aden Nuur(Maleeshiya). Sida uu sheegay booliska DFS rasaas ayaa la huwiyey baabuur nuuciisu yahay Barobokis waxaane rasaastaasi ku geeriyooday Marxuum C/laahi Cabdi Isaaq oo 18-jir ah,ragaan la soo qabtay ayaa la horgeyn doonaa cadaaladda maalmaha soo socdo.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

SIYAASIYIINTA JOOGTA TURKIGA OO CABSI SOO FOOD SAARATAY.

Next
Next

AMNIGA MUQDISHO OO SII XUMAANAYO,SABABTA?