SHIRKII U DHEXEEYEY DFS IYO MUCAARADKA OO FASHILMAY MAANTA.
(SAWIRKA)-SHIRII VILLA SOMALIA.
(VILLA SOMALIA)-Shirkii u dhexeeyey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ku mideysan Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa maanta ku soo dhammaaday Natiijo la’aan ka dib markii la isku mari waayey Qodobka Doorashada Maamul Goboleedyadda, waayo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku dhegay Qodob eysan xaq u leheyn iney kulanka maanta la yimaadaan, laakinse waxa uu ahaa qorshe ey Golaha Mustaqbalka horay ugu talagaleen si shirka uu u fashilmo. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud,waxa uu ku adkeystay iney sharci darro tahay inuu maamul goboleed kala heshiiyo doorashada maamul goboleed kale, laakin Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud waxa uu dhexda soo dhigay talada doorashada heer Qaran si la mid ah kulankii hore ee labada dhinac. Golaha Mustaqbalka iyaguna waxay ogolaadeen in gudi loo saaro doorashada heer Qaran laakinse doorashada heer dawlad Goboleed ayey dalbadeen talo iyo awood aaney sharci u lahayn. Deni oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in sababta ey muhiim ugu tahay doorashada maamul goboleedyadda ey tahay iney buriyaan amaba waxba kama jiraan ka dhigaan wax ka bedelkii lagu sameeyey dastuur JFS, Doorashada Qof Cod-ka ahayd iyo jiritaanka Gudiga Doorashooyinka Qaranka taaso adkeysay mawqifka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud oo mar debecsanaan muujiyey intii uu socday shirkii maanta, sida muuqata, mucaaradka waxa isaga dhex yaacsan bartilmaameedkooda iyagoo aan isku fikir aan ka ahayn Doorashada iyo doodaha. Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed waxa ey kala saari waayeen danaha Siciid Deni iyo Damacood xukunka dalka, hadda arrintu waxa ey ku soo dhammaatay DFS oo istaagtay aan ka heshiino doorashada heer federaal mida maamul goboleedyadana waxba idinkama quseeyaan, haddii aad rabtiin inaan ka hadalno Dastuurka Ajande ka soo dhiga, dhinaca Mucaaradka, iyaguna waxa ey istaageen doorashada Maamul goboleedyadda ku qabo doorasho dadban mid Qarankane(Heer Fderaal)-ne aan gudi u saarno, dastuurkane Ajande inooma aha. Ismari waaga ugu weyn ee maanta sababay inuu shirkii fashilmo waa qodobka Doorashada maamul goboleedyadda dalka ee kala ah “WAQOOYI BARI SOOMAALIYA, GALMUDUG, HIRSHABEELE, KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA”. Dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa u arka dulmi aan geed lagula soo gaban in maamul goboleed uu jidka la soo istaago inuu isagu jiheeyo Doorashada maamul goboleed kale oo isaga la mid ah, haddi Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uu arrintaan aqbali lahaa waxa uu jideyn lahaa dhaqan ugub ah kuna cusub siyaasadda dalka Soomaaliya kaaso keeni lahaa iney maamul goboleedyadu faragelin toos ah isku sameeyaan taaso mustaqbalka dhallin karta gacan ka hadal. DFS hadda waxa ey u jiheysan doontaa qabashada Doorashooyinka Golayaasha degaanka ee maamul goboleedyadda afarta ah, halka Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ey dib ugu laaban doonaan degaanadoodii iyagoo aan gaarin wax Natiija ah.
XIGASH-ADDUUNKA TV.