DEIN IYO AXMED MADOOBE OO AWOODII SHIRKA KALA WAREEGAY KALA WAREEGAY SHARIIFKA KOOXDIISA.

(SAWIRKA)-SHIRKA VILLA SOMALIYA.

(MUQDISHO)-Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed(GMS) waxay labadii maalmood ee la soo dhaafay ku mashquulsanaayeen iney aragti mideysan ka yeeshaan nuuca doorashada dalka laakin doodu ma eysan hagaagin waxa eyna arrintu u muuqataa in Siciid Deni iyo Axmed Madoobe rabitaankoodu uu xoog badan yahay. Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, waxa ey rabaan iney dalka ka dhacdo doorasho la mid ah midii dhacday sannadkii 2022-kii si ey iyagu gacantooda ugu soo qortaan Xildhibaanadda heer federaal ama mid waxyar ka bedelan doorashasii dhacday 2022-kii balse ey iyagu weli gacanta ku hayaan kuraasta Xildhibanaadda heer Federaal halka xubnaha GMS marka laga reebo Ex.Rw-Xasan Cali Khayre ey taas diidan yihiin sida laga soo xigtay xubno ka tirsan GMS. Shirka ayaa muddo laba maalmood u xayirnaay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud ka dib markii uu iska diiday inuu arko gudi gaar ah ooo metelaayo Mucaaradka iyo GMS oo raadinaaya nuuc doorasho ey isla qaadana karaan. Galabnimadii shalay waxaa si buuxda loogu qancay inaaney GMS isku raaci karin nuuca doorashada, taas bedelkeedana la abuuri karo dood sheegeysa inuu shirku ka fashilmay dhinaca Dawladda Federaalka, hadaba maxay ku hishiiyeen inta badan xubnaha GMS? Si loo fashiliyo shaqada Dastuurka ee uu qabtay nidaamka Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud meeshana looga saaro doorashadii uu weday ee ahayd Qof iyo Cod, loona burburiyo heshiiskii halka gudi doorasho, loogana maarmo raadinta nuuca doorasho, loona qaato doorashadii dadbaneed ee dhacday sannadkii 2022-kii taaso ah sida ey rabaan Siciid Deni iyo Axmed Madoobe. Waxay inta badan xubnaha GMS isku raaceen iney maanta oo Axad ah kulanka dhacaayo iney ku dhegaan eysane ka fuqin in doorashada Maamul Goboleedyadda kala ah G/Mudug, H/shabeele iyo Koonfur Galbeed in lagu qabto hanaankii doorashadii dadbaneed taaso ahayd in Xildibaanadda Dawlad Goboleedyadaasi seddexda ah ey soo qoraan Odayaash dhaqanka, xilhibaanaduna ey doortaan Hogaamiyaha Dawlad Goboleedyadaasi, doorashadaasine ey maamulaan gudiyo u gaar ah maamul goboleedyaddaasi. Haddii Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh Maxamud aqbalo qodobadaan maxaa dhacaya? (1)-Dastuurkii ey DFS soo waday wax ka bedelkiisa muddo dhan afar sano ku dhawaad, waa waxba kama jiraan. (2)-Doorashadii Qof iyo Codka ahayd ee waday DFS kana hirgashay G/Banadir, waa waxba kama jiraa. (3)-Gudiga Doorashooyinka Qaranka ee hadda dhisan, waa waxba kama jiraan. (4)-Dalku waxa uu si buuxda markaas u aaday doorasho dadban oo looma baahna iney DFS iyo GMS soo dhisaan gudi kasoo tala bixiyey nuuca doorashada qaranka. Xubnaha GMS, waa ey ogyhiin inuusan Madaxweyne Dr.Xasan Sheekha Maxamud yeeli doonin qodobkaan ama inuusan hal fadhi afar guul darro qaadan doonin, laakin waxaa GMS ku jira rag raba amaba doonaaya inuu si buuxdo shirka u fashilmo. Mw.Dr.Xasan Sheekh Maxamud, wuxuu shirkii koowaad ilaa hadda ogol yahay in laga heshiiyo nuuca doorashada qaranka lana dhiso gudi arrintaas ka soo tala bixiya kaaso ka kooba DFS iyo GMS, laakinse MW-Xasan sheekh ayaa si cad u diiday inuu GMS kala heshiiyo nuuca doorashada ee dawlad goboleedyada G/Mudug. H/shabeele iyo Koonfur Galbeed, wuxuu kaloo ogol yahay Madaxweyne Dr.Xasan Sheekh inuu soo qabto doorashada dawlad goboleedyadaas seddexda ah inta aan la gaarin shirka kan xiga una dhexeeyo DFS iyo GMS, laakine nuuca loo qabanayo doorashadaasi waxba kama quseeyso GMS, Deni iyo Axmed Madoobane kaba sii fog oo maamul goboleed wax doorashadiisa ka quseeyo maamul goboleed kale ma jraan. Madaama inta badan GMS ey ku doodayaan qodob aaney xaq u leheyn in lagala heshiiyo, shirka dhacaayo maanta oo Axad ah ma aha mid leh rajo fiican. Waxaa jiray xubno ka tisan GMS oo qabay in Mw.Dr.Xasan kala heshiiyaan doorashada heer federaal oo kaliyah, arrimaha kalane eysan waqti isaga lumin, xubnahaasi waa laga adkaaday oo meesha(GMS), Deni iyo Axmed Madoobe kaliyah ayaa heysta Diidmada Qeyaxan(VETO), inta soo hartayne waxa ey noqdeen kuwa qaata go’aanadda faraha laga soo saaro iyagoo aan hadal ku leheyn.

XIGASHO-ADDUUNKA TV.

Previous
Previous

SHIRKII U DHEXEEYEY DFS IYO MUCAARADKA OO FASHILMAY MAANTA.

Next
Next

FAALO:WADA HADALKA GOLAHA MUSTAQBALKA IYO DAWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA.