SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA OO LAGA SOO SAARAY..
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIIRADDA.
(MUQDISHO)-Shirkii caadiga ahaay ey yeelan jireen Golaha Wasiiradda Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ku qabsoomay xafiiska Reysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Xamsa Cabdi Barre,shirka maanta ayaa waxaa laga soo saaray Qaraaro Masiiri kuna aadan hab dhaqanka Guracan ee Dawladda Itoobiya ku hayso Arrimaha Gudaha ee dalka Soomaaliya. Qaraaradda Golaha Wasiiradda ee ku aadan habdhaqanka Guracan iyo Faragelinta Qaawan ee Dawladda Itoobiya eyna soo saareen Golaha ayaa waxaa ka mid ah: Q.1-aad. Xiritaanka Qunsuliyadaha Itoobiya ee ka kala furan magaalooyinka Hargeysa Soomaliland iyo Garawe oo Puntland ah. Q.2-aad.Xadgudubyada. Q.3-aad. Dhaqangalka Qaraaradaas. Arrintaan ayaa daba socoto heshiis ey Dawladda Itoobiya shalay la gashay maamulka Puntland ayadoo Dawladda Itoobiya eysan soo marin dawladnimo ee ka dhexeeyo labada dal Soomaaliya iyo Itoobiya.
ISHA/ALL BANAADIR.