SHARCI MIYAA IN SHAQADA LAGA SAARO SAMIRA?

(SAWIRKA)-SAMIRA GAID.

(MUQDISHO)-Maalmihii la soo dhaafay waxaa baraha bulshada si aan caadi ahayn loogu hadal haayey arrin ku saabsan Gabar u shaqeyneysay Wasaaradda Amniga Qaranka ee Dawladda Federaalka Soomaaliya,Samira Gaid waxa ey u shaqeyneysay Mashruuc loo soo gaabiyey SJGAB eyna maalgeliso Midawga Yurub. Samira Gaid ayaa loo haystaa iney Barteeda(X) horay loo oran jiray Twitter ey soo dhigtay qoraal ey dhibsatay Dawladda Federaalka Soomaaliyeed,Qoraalka ayaa waxaa jawaab aad u kulul oo ey ka muuqato Carro Samira Gaid ugu jawaabay Wasiirka Batroolka iyo Macdanta iyo Biyaha Md.Xildhibaan C/risaaq Cumar Maxamed laakinse waxaa Qoraal ku qornaay Afka Ingiriiska uuna soo saaray Wasiirul Dawalaha Wasaaradda Amniga Qaranka Md.Xildhibaan Maxamed Cali,Qoraalka Wasiirka ayaa shaqada looga saaray Samira Gaid bacdamaa ey faraha la gashay arrimo ka baxsan shaqadeeda oo ah arrimo siyaasadeed,hadaba arrintaan ayaa waxaa laga wareystay Sharci yaqaan Soomaaliyeed si wax badan looga ogaado dhacdadaan ey ka caroodeen dad fara badan oo isugu jiro masuuliyiin iyo dad kale oo leh saameyn.

ISHA/BBC.

RIIX HALKAN.

Previous
Previous

SHIRKII GOLAHA WASIIRADDA OO LAGA SOO SAARAY..

Next
Next

TOOGASHO KA DHACDAY DUGSI KU YAALO FINLAND.