SHIRKII GMS IYO DFS U BALANSANAYEEN OO MAR KALE BAAQDAY.

(SAWIRKA)-GOLAHA MUSTAQBALKA SOOMAALIYEED.

(MUQDISHO)-Waxaa Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya loogu balansanaay kulan u dhexeeya dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ey ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliya iyo Madaxda Dawlad Goboleedyadda Jubaland iyo Puntland. Waxaa baaqday kulankii loo balansanaay maalintii shalay oo Jimca ahayd kaaso u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu diidan yahay la kulanka guddi kooban oo ay iska soo dhex xuleen dhinaca mucaaradka. Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu shardi uga dhigay mucaaradka inay u yimaadaan iyagoo dhammaystiran. Sababta ka dambeysa go’aankan ayey Xogtu tilmaamaysaa in Madaxweynuhu rabo inuu ka faa'iidaysto kala aragti duwanaanshaha ka dhex jirta Golaha Mustaqbalka Soomaaliya marka ay dhammaan hoggaanka mucaaradku wada joogaan. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa rumeysan in koox yar oo matalaad ahi ineysan keeni karin wax Natiija ah, halka kulanka guud uu fursad u siin karo inuu dhex galo aragtiyaha kala duwan ee mucaaradka dhexdiisa ah. Haddii mucaaradku ay ku adkaystaan inay soo diraan guddi metela, Madaxweynaha ayaa isna dhankiisa qorsheynaya inuu u xilsaaro Guddi Wasiiro ah inay la macaamilaan, halkii uu isagu si toos ah ula kulmi lahaa. Golaha Mustaqbalka ayaa maanta oo Sabti ah mar kale waxa ey sabab u noqdeen inuusan dhicin kulankii loo balansanaa waayo waxa ey maanta codsadeen iney iyagu si gooni ah u yeehsaan kulan ey kaga xaajoonayaan Ajandahooda iyo sida Ajandaha DFS wadato la isu waafajin lahaa. Kala qeybsanaanta ka dhex jirta Golaha Mustaqbaka ayaa waxaa daliil cad u ah Madaxweyne Siciid C/laahi Deni, waxa uu doonayaa in doorashada ka hor lagala heshiiyo Aqoonsiga Dawlad Goboleedka Puntland ee la dhisay sannadkii 1998-dii isaga oo raba inuu meesha ka saaro Dawlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, waxaa kaloo uu Deni rabaa in isaga loo daayo soo xulista Xildibaanadda WBS, waayo isaga waxa uu ku qanacsan yahay in dalka ey ka dhacdo Doorasho dadban oo la mid ah midii dhacday 2022-kii. Sida la soo sheegay Deni ma diidana dhisida Dawlad Goboleedka WBS balse waxa uu rabaa kala baxa PL iyo WBS iney dhammaystirto Dwaladda soo socoto. Deni ayaan wax culus u arkin wax ka bedelka Dastuurka ee hadda ka socdo Golaha baarlamaanka JFS, waxa uuna Deni doonayaa in siyaasiyiinta PL ka imaanayo iney isaga soo maraan gacantiisa. Dhinaca Axmed Madoobe isaga ma qarsan waxa uu rabo oo waxa uu DFS ka rabaa iney aqoonsato isku caana shubkiisa ee shanta sano ee soo socoto,Waarankii soo qabsho in meehs laga saaro iyo in G/Gedo loo soo gacan geliyo, wixi intaas dhaafsan diidmo kama qabo Axmed Madoobe. Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed horay ayey u cadeysay mawqifkeeda ku aadan Doorashada waxa eyna sheegeen in dalka uusan dib ugu laaban doonin Doorasho dadban oo la mid ah midii dhacday Sannadkii 2022-kii taaso lagu soo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud. In khilaaf jiro waa mid iska cad waayo horayba waxaa loogu soo heshiin kari waayey in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu yeesho Gudoomiye iyo Gudoomiye ku xigeen, Xoghaye iyo Afhayeenka Golaha markii lagu shiray Kismaayo, hadda oo Muqdisho la isugu yimidne ma muuqato iney qaadan karaan hal mawqif ey ku wajihi karaan DFS iyo Ajandaheeda. NALA SOCO.

XIGASHO WAKAALADO.

Previous
Previous

SHAQO JOOJIN LAG SAMEEYEY QAAR KA MID AH DIYAARADAHA IYO GAROONKA B/HAKABA OO…

Next
Next

GEN.GABRE OO KA BAXSADAY XABSIGII TIGRAY GAAREYNE ADDIS ABABA,SABAB?