SHAQO JOOJIN LAG SAMEEYEY QAAR KA MID AH DIYAARADAHA IYO GAROONKA B/HAKABA OO…

(SAWIRKA)-GAROONKA B/HAKABA.

(MUQDISHO)-Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa hakisay shaqada qaar ka mid ah diyaaradaha ka hawlgala Soomaaliya, kaddib kormeerro lagu ogaaday khaladaad farsamo iyo u hoggaansanaan la’aan heerarka ay dejisay hay'adda Duulista adduunka (ICAO). Go’aankan ayaa lagu sheegay mid lagu xoojinayo badqabka duulimaadyada iyo kalsoonida rakaabka. Tallaabadan ayaa timid kaddib dhacdadii 10-kii Febraayo, markaas oo diyaarad ay maamuleysay Starsky Aviation ay cilad farsamo la kulantay wax yar kaddib markii ay ka duushay Garoonka Aadan Cadde. Diyaaradda ayaa ka baxday dhabbihii ay ku ordi lahayd, iyadoo ku dhacday meel u dhow xeebta Badweynta Hindiya. Inkastoo dhammaan 55-kii qof ee saarnaa ay ka badbaadeen, dhacdadaasi ayaa waxay dhalisay walaac iyo su’aalo ku saabsan heerka kormeerka, dayactirka iyo u hoggaansanaanta xeerarka badqabka. SCAA ayaa sidoo kale sheegtay in, iyadoo la tixgelinayo xoojinta isdhexgalka dhaqaale ee Bariga Afrika, ay adkeynayso xeerarka la xiriira cabbirka kuraasta, tayada adeegga duulimaadyada iyo habraacyada qiimeynta, si loo ilaaliyo xuquuqda rakaabka Soomaaliyeed loona hubiyo in shirkaduhu raacaan halbeegyo caalami ah. Dhanka kale, rakaabka u kala safra magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ayaa si isa soo taraysa uga cabanaya qiimaha sare ee tikidhada iyo ciriiriga diyaaradaha. Qiimaha safarka wareegga ah ee u dhexeeya Muqdisho iyo Nairobi ayaa gaaraya inta u dhaxaysa $400 ilaa $450, inkastoo masaafadu tahay qiyaastii 90 daqiiqo. Rakaab badan ayaa ku tilmaamay qiimahaas mid aan la jaanqaadi karin masaafada gaaban iyo heerka adeeg ee la helo. Warbixinno laga helayo rakaabka ayaa muujinaya in qaar ka mid ah shirkadaha ka shaqeeya khadkaas ay adeegsadaan diyaarado yaryar oo si gaar ah loogu habeeyey kuraas aad u ciriiri ah, si loo kordhiyo tirada rakaabka halkii duullimaad. Taas ayaa keentay cabashooyin la xiriira meel la’aanta lugaha iyo garbaha, taas oo ka dhigaysa safarka mid daal iyo raaxo darro leh. Dadka dhaliilaya qaabka ganacsi ee jira waxay ku doodayaan in suuqan uu yahay mid xaddidan, maaddaama aysan jirin waddooyin dhuleed oo ammaan ah oo si fudud ugu beddelan kara duullimaadyada. Arrintaas ayaa shirkadaha siinaysa awood ay ku qaadaan qiime sare, iyada oo tartanka suuqeed uu kooban yahay—taas oo sare u qaadaysa qiimaha, balse aan la socon koror tayo iyo adeeg. Dhinaca kale, Wararka naga soo gaaraya degmada Buurhakaba ee gobolka Bay ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa hoggaanka sare ee maamulka Koonfur Galbeed iyo maamulka degmada. Xiisaddan ayaa si toos ah u saameysay garoonka diyaaradaha ee dhawaan laga hirgeliyay magaalada, kaas oo ahaa mashruuc ay si wadajir ah u maalgelisay bulshada deegaanka. Duqa Degmada Buurhakaba, Ibraahim Maxamed Ibraahim (Laysaamow), ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in maamulka Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) uu cadaadis siyaasadeed ku hayo degmada. Wuxuu xusay in dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ay hakisay duullimaadyadii gargaarka bani’aadannimo ee imaan jiray Buurhakaba maalmaha Arbaco iyo Axad. Duqu waxa uu tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay duullimaadyada uu yimid kaddib walaacyo la xiriira amniga oo ay soo jeediyeen hoggaanka sare ee gobolka. Ibraahim Laysaamow ayaa carrabka ku adkeeyay in garoonka Buurhakaba uu yahay mid ay dadweynuhu si iskaa wax u qabso ah u dhiseen, islamarkaana ay bixiyeen dhaqaalaha ku baxay dhismihiisa. Wuxuu ku eedeeyay maamulka Koonfur Galbeed in halkii laga taageeri lahaa howlaha garoonka ay caqabad ku noqdeen. Dhinaca kale, ilo wareedyo ayaa sheegay in cadaadiska lagu hayo garoonka uu la xiriiro ciidamo tababar ku qaadanaya halkaasi, kuwaas oo la sheegay in tababarkoodu leeyahay ujeeddo siyaasadeed. Si kastaba ha ahaatee, maamulka Buurhakaba ayaa ku dooday in ciidamadaasi ay qeyb ka yihiin hay’adaha ammaanka, isla markaana tababarka ka socda garoonka uu la mid yahay kan ka socda degmooyinka kale ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed. Arrintan ayaa weli taagan, iyadoo la sugayo sida ay u xallin doonaan dhinacyada isku haya khilaafka saameynta ku yeeshay adeegyada muhiimka ah ee degmada.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

BJFS OO HAWSHIISII U WATA SI HABSAMI LEH.

Next
Next

SHIRKII GMS IYO DFS U BALANSANAYEEN OO MAR KALE BAAQDAY.