SHIRKA KHAMIISTA DHICI DOONO MAXAA LAGA FILAN KARAA?
(SAWIRKA)-GOLAHA.
(MUQDISHO)-Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waa Isbahaysi Siyaasadeed oo mucaarad ah, kaas oo bishii June 2025 looga dhawaaqay magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, ujeedkooduna ahaa ka soo horjeedka hannaanka Doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka ee Dowladda Federaalka. Waa kuwan qodobada ugu muhiimsan ee ku saabsan Madasha:
Dhismaha iyo Ujeedka: Madashan ayaa la asaasay si ay u noqoto Awood Mucaarad ah oo ka soo horjeeda Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyagoo sheegay inay difaacayaan Midnimada iyo Xasilloonida dalka.
Shuruudaha iyo Mucaaradka: Waxay shuruudo ku xireen Gogosha wada-hadalka ee dowladda, waxayna ka digeen Doorashooyin aan loo dhameyn iyo isku dayo "qori loo adeegsado".
Kala qaybsanaan: Bishii August 2025, waxaa soo baxay warar sheegaya in Madashii Mucaaradka ee Samatabixinta ay kala jabtay, iyadoo xubno ka mid ah ay qaadeen waddooyin Siyaasadeed oo kala duwan.
Xubnaha: Siyaasiyiinta caanka ah ee Madasha ka tirsanaa waxaa ka mid ahaa xubno ka soo horjeeday hanaanka Doorashooyinka, waxaana la sheegay inuu ka maqnaa Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Digniinta: Waxay cambaareeyeen xaalado ka dhacay Muqdisho, oo ay ku tilmaameen boob iyo barakicin shacab. Madasha ayaa mar walba xoogga saartay in la helo Doorasho hufan iyo inaan Dastuurka loo beddelin si dan shakhsi ah. Madsha ayaa Hogaamiye u dooratay Madaxweynihii hore Md.Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa eyna Madasha u kala qeybsantay laba qeybood qeyb la heshiisay DFS iyo qeyb isku soo hartay taaso si adag uga hortimid Doorashiid Golaha degaanka ee Gobolka Banaadir ee ahayd Qof iyo Cod waxa eyna dhacday 25/12/2025-kii. Taariikhdu markeey ahayd 2/10/2025-kii waxaa caasimadda Kenya ee Nayroobi shir isugu yimid Madaxweynayaasha Dawlad Goboleedyadda Jubaland Axmed Madoobe iyo Puntland Siciid Deni iyo Madaxda Samatabixinta Soomaaliyeed masuuliyiin ka socotay eyna ka mid ahaayeen Ex.Reysal Wasaare Xasan Cali Kheyre, Ex.Reysal Waasre Saacid Shirdoon iyo xildhibaan C/raxmaan C/shakuu Warsame, shirka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, waxaane shirkaas lagu go’aamiyey in la dhiso Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed kaaso ey ku mideysan yihiin Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo Hogaamiyeyaasha labada maamul Goboleed ee Jubaland iyo Puntland. Shirkii Kismaayo ee la soo gabagabeeyey 20-12-25-kii ayaan lagu dooran Gudoomiye iyo Gudoomiye ku Xigeenkiisa ee Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed iyo Xoghayaha, arrintaan ayaan sababtay in Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed uu noqdo mid isaga dhexdiidsa kala shakisan, sida xogta sheegtay Mw.Axmed Madoobe ayaa soo jeediyey in Gudoomiyaha loo doorto Ex.Mw.Sheekh Shariif balse arrinkaas ayaa waxaa iska diiday koox uu hogaaminaayo Mw.Deni eyna xubno ka yihiin C/raxmaan C/shakuur iyo Reysal Wasaareyaashii hore Kheyre iyo Rooble, halka Axmed Madoobe loo rabay inuu noqdo Gudoomiye Ku-Xigeenka Golaha balse taasi ma eysan dhicin oo shirkii ayaa ku soo dhammaaday iyadoo aan go’aan cad laga gaarin cidd Hogaamineysa Golaha. Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka duuleysa khilaafka ka dhex jira Golaha ayaa ku dhawaaqday in 1-da bisha Feberaayo-2026-ka shir la isugu yimaado caasimadda Muqdisho, kaaso u dhexeey DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya, balse ma uusan dhicin shirkii loo balansanaay oo waxaa la isku khilaafay ilaaladda Madaxda Puntland iyo Jubaland tiradooda iyo hubka loo ogol yahay, waxaane dib degaanadoodii loogu celiyey laba diyaaradood oo waday masuuliyiin hordhac ah kana kala socdeen Puntland iyo Jubaland. Waxa magaaladda Muqdisho soo gaaray maanta oo Isniin ah saraakiil la Taliyeyaal dhinaca Aminga ah kana kala socdo Jubaland iyo Puntland, waxaane berri oo Talaada ah la filaa iney iyagana Muqdisho soo gaaraan ilaaladda gaarka ah ee labada Madaxweyne Puntland iyo Jubalnad. Shirka u dhexeeyo DFS iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu maalinta khamiista ah ka furmo xarunta Xalane, waayoo Hogaamiyeyaasha Jubaland iyo Puntland ayaa ka biya diiday iney tagaan Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee Villa Somalia iyagoo Xarunta Xalane u arkay iney tahay Goob amnigeeda la isku haleeyn karo. Ajendaha Shirka labada dhinac ayaa noqonaayo midkii horay loo shaaciyey kana koobnaay: (1)-Arrimaha Doorashooyinka. (2)-Arrimaha Dastuurka dalka. (3)-Midnimadda dalka Soomaaliya. (4)-Dagaalka Argagixisada. (5)-Abaaraha dalka ka jira. Madaxda maamuladda Jubaland iyo Puntland ayaan aad ugu faraxsaneyn hawlaha ka socdo Baarlamaanka Gudihiisa maalmihii la soo dhaafay,waxaane laga yaabaa iney isku dayaan in arrinkaas lagu sameeyo is hortaag deg deg ah bacdamaa Cutubyadii haray Ansixintooda loo balansan yahay Kulanka Arbacadda dhici doono. Ex.Mw.Shariif oo hadda safar ugu maqan Imaaraatka ayaan la aqoon mawqifkiisa ku aadan Doorashada soo socoto nuuca ey noqon doonto bacdamaa Axmed Madoobe iyo Deni ey rabaan in la aado Doorasho Dadban halka Madasha Samatabixinta ey dooneyso in Xildhibaanadda Heer Federaal lagu soo doorto Doorasho Qof iyo Cod halka Doorashada Madaxweynaha ey doonayaan iney noqoto mid uu baarlamaanku doorto. Dawladda isutaga Imaaraatka ayaa dano gaar ah ka leh Doorashada dalka Soomaaliye ee soo socoto waayo waxa ey dooneysaa iney dalka ka bixin iskana sii joogto.
SUUQBACAAD MEDIA.