SHIRKA GOLAHA WASIIRADA OO UU SHIR GUDOOMIYEY RW-KU-XIGEENKA.
(SAWIRKA)-GOLAHA WASIRADA.
(MUQDISHO)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, kulanka maanta ayaa waxaa lagu Ansixiyay Seddex Heshiis Is-afgarad oo la xiriira Waxbarashada iyo Cilmi-baarista. Heshiisyadan is-afgarad oo ey soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ayaa kala ah:
1. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Uganda, kuna saabsan Waxbarashada.
2. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar, oo ku saabsan Tacliinta sare.
3. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Soomaaliya iyo ALjeeriya, kuna saabsan Tacliinta Sare iyo Cilmi-baarista.
Kulanka oo uu Guddoominayay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Labaad ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa sidoo kale looga dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno ku saabsan Amniga guud ee Dalka iyo la-dagaallanka Khawaarijta.
ISHA-SNTV.