GUD.ADEN MADOOBE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKA GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA.
(SAWIRKA)-GUDIGA JOOGTADA AH EE GOLAHA SHACABKA BJFS.
(MUQDISHO)-Wararka aan ka heleyno caasimadda Muqdisho ee dalka Soomaaliya ayaa sheegaayo in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), uu maanta shir guddoomiyay kulanka Guddiga Joogtada ah oo ka dhacay Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa. Ugu horeeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Xubnaha Guddiga warbixin ka siiyay guusha Dowladda Soomaaliya ka soo hoysay shirkii Golaha Xuquuqul Insaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo lagu Ansixiyay qaraar ey Soomaaliya kula wareegeyso Arrimaha Xuquuqul Insaanka ee dalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Ka dib xubnaha Guddiga Joogtada ah ayaa ka dooday liiska Sagaalka Xubnood ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka dalka Soomaaliya, kuwaasoo la horgeyn doono kulanka guud ee Golaha Shacabka. Sidoo kale, intii uu socday kulanka Guddiga Joogtada ah, waxaa Ajandeyn lagu sameeyay kulamada guud ee Golaha Shacabka ee toddobaadka soo socda, waxaana kulankaan gobjoog ka ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
ISHA-SNTV.