SHAN ASKERI OO QARAX UGA DHIMATAY CIIDAMADDA PUNTLAND.
(SAWIRKA)-CIIDAMADA PL.
(BOSASO/PUNTLAND)-Wararka laga helaayo dawlad Goboleedka Puntland ayaa sheegaayo in ugu yaraan lix askari oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Puntland ey ku dhintay qarax miino oo ka dhacay aagga Togga Balade ee buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari Puntland intii lagu jiray hawlgal milatari oo ka dhan ah maleeshiyada Daacish. Sida ay ku warramayso xogta ay heshay Warbaahinta Dawan Media, qaraxan ayaa ka dhashay miino dhulka lagu aasay, taasoo ku haleeshay gaari miino baara oo siday 11-askari oo ka tirsan guutada Afmeer xilli ay howlgallo ka wadeen deegaannada buuraleyda Calmiskaad. Wararka laga helayo goobta ayaa sheegaya in 11 askari ay saarnaayeen gaariga. Lix ka mid ah ayaa ku dhintay qaraxa, halka laba kalena ay ku dhaawacmeen. Saddex askari ayaa ka badbaaday dhacdada. Deegaannada buuraha Calmiskaad ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaallo xooggan oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyaadka Daacish oo ka howlgala qaybo ka mid ah gobolka Bari. Ciidamada Puntland ayaa waday howlgallo ka dhan ah kooxda, iyagoo diiradda saaraya sidii loo burburin lahaa maleeshiyaadka Daacish ee ku dhuumanaya dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari. La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Soomaaliya Xuseen Macallin ayaa sheegay in dagaalyahanno badan oo ka tirsan Daacish oo ka howlgala Puntland ay yihiin dagaalyahanno Ajaanib ah oo ka yimid dalal kala duwan oo adduunka ah.
ISHA-DM.